TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Madaxweyne Erdogan oo Guterres kala hadlay baahida loo qabo in dib-u-habeyn lagu sameeyo QM
Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay in gardarrada Israaiil aysan beegsanayn oo kaliya Falastiiniyiinta, balse ay sidoo kale bartilmaameedsanayso nabadda gobolka iyo tan caalamka.
Madaxweyne Erdogan oo Guterres kala hadlay baahida loo qabo in dib-u-habeyn lagu sameeyo QM
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan weerarada Israa’iil ee ka dhan Qaza. / AA
24 Sebteembar 2025

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in isbeddel lagu sameeyo nidaamka Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Turkigu uu ka qayb qaadan doono geeddi-socodkan.

Intii lagu guda jiray kulan uu Talaadadii magaalada New York kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in baahida loo qabo dib-u-eegista nidaamka Qaramada Midoobay ay si cad u soo shaac baxday sannadihii ugu dambeeyay.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, gaar ahaan weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Qaza, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Agaasinka Warfaafinta ee Turkiga.

Madaxweyne Erdogan wuxuu sheegay in Turkigu uu sii wadi doono inuu kaalmo kasta ka geysto shaqada dib-u-habeynta, iyo in muhiimadda ilaalinta nabadda adduunka si wanaagsan loo fahmay caqabadihii adduunku wajahay sannadihii dambe.

Wuxuu sheegay in gardarrada Israa’iil aysan beegsanayn oo kaliya Falastiiniyiinta, balse ay sidoo kale bartilmaameedsanayso nabadda gobolka iyo tan caalamka, iyo in beesha caalamku ay kordhiso cadaadiska saaran Israaiilsi loo xaqiijiyo in gargaarka bini'aadannimo uu si aan hakad lahayn u gaaro Qaza.

Madaxweyne Erdoğan wuxuu sidoo kale sheegay in Turkigu uu dardargelinayo dadaalladiisa lagu soo afjarayo dagaalka Ruushka iyo Ukraine, isagoo adkeeyay dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin degdeg ah iyo nabad waarta.

XIGASHO:AA