CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Cudurka Gawracatada oo ku soo laba-kacleeyey Soomaaliya; yaraanta tallaalka iyo joojinta dhaqaalaha
Cudurka gawracatada, oo ah xanuun bakteeriya ah oo sababa bararka qanjirada, dhibaato xagga neefsiga ah iyo qandho, ayaa si gaar ah u saameeya carruurta.
Cudurka Gawracatada oo ku soo laba-kacleeyey Soomaaliya; yaraanta tallaalka iyo joojinta dhaqaalaha
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan.
20 Agoosto 2025

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, kadib markii si ba'an uu dalka ugu soo laba kacleeyay cudurka gawracatada (diphtheria), kaas oo sababay dhimasho iyo kiisas badan oo la diiwaan-geliyay, iyadoo masuuliyiintu ay sheegeen in ay ka dhalatay yaraanta tallaallada iyo goynta deeqaha caalamiga ah.

Hay’adda Caafimaadka Qaranka Soomaaliya (NIH) ayaa xaqiijisay in sannadkan la diiwaan-geliyay in ka badan 1,600 kiis oo cusub oo ah cudurka gawracatada, kuwaas oo sababay dhimashada 87 qof, halka sannadkii 2024-kii oo dhan la diiwaan-geliyay 838 kiis iyo 56 dhimasho ah.

Cudurka gawracatada, oo ah xanuun bakteeriya ah oo sababa bararka qanjirada, dhibaato xagga neefsiga ah iyo qandho, ayaa si gaar ah u saameeya carruurta, waxaana looga hortagi karaa tallaal caan noqday qarnigii 20-aad.

Inkastoo heerka tallaalka carruurta Soomaaliya uu soo hagaagay 10-kii sano ee la soo dhaafay, haddana boqolaal kun oo carruur ah ayaan weli helin tallaalkooda buuxa.

Qoysaska barakacayaasha ah ayaa si gaar ah ugu nugul, sida kuwa Deeqa Maxamed Cali oo ka cararay dagaallo ka dhacay degmada Ceel-dheere, halkaasoo afar carruur ah oo ay dhashay ay dhammaantood qaadeen cudurka gawracatada iyaga oo aan horay loo tallaalin.

Wiilkeeda oo 8 jir ahaa ayaa geeriyooday, halka laba carruur oo kale lagu dawaynayo isbitaal ku yaalla Muqdisho. "Carruurtayda way xanuunsadeen, waxaana ku hayey guriga, sababtoo ah ma aanan ogeyn inuu ahaa gawracatada," ayay tiri Deeqa, iyada oo la joogta wiilkeeda 3 jirka ah oo cunuhu bararsan yahay.

Goynta Deeqaha iyo Saameyntooda

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadan, ayaa sheegay in dowladda ay dhib ku qabto sidii ay ku heli lahayd tallaallo ku filan, taas oo uu sabab uga dhigay yaraanshaha deeqaha caalamiga ah. Waxa uu sidoo kale sheegay in goynta deeqaha Mareykanka ay adkeysay sidii loo qaybin lahaa tallaallada yar ee la haysto.

"Goynta deeqaha Mareykanka waxay si xun u saameysay deeqihii caafimaad ee ay Mareykanku siin jireen Soomaaliya.

Xarumo caafimaad oo badan ayaa la xiray. Kooxaha guur-guura ee tallaalka gaarsiin jiray meelaha fogfog ayaa waayay dhaqaalihii ay ku shaqayn jireen hadda," ayuu yiri Wasiir Aadan.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka iyo deeq bixiyeyaal kale ay iyana deeqaha ka gooyeen Soomaaliya.

Dhinaca kale, Hay’adda caalamiga ah ee Save the Children ayaa bishii hore sheegtay in boqolaal xarumo caafimaad ah oo ku yaalla Soomaaliya la xiray sannadkan, taas oo keentay in ay labanlaabmaan kiisaska isku-dhafka ah ee cudurrada gawracatada, jadeecada, shubanka, qufaca iyo xanuunnada neef-mareenka.

Dowladda oo lagu dhaliilay maalgelinta waaxda Caafimaadka

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaliili uga timid dhakhaatiirta iyo u dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ku eedeeyay in ay yaraysay maalgelinta waaxda caafimaadka. Ururka Amnesty International ayaa sheegay in sannadkii 2024-kii ay dowladdu ku bixisay 4.8% miisaaniyadeeda dhinaca caafimaadka, taas oo hoos uga dhacday sannadkii ka horreeyay oo ahaa 8.5%.

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in wasaaraddu ay qorsheyneyso in ay bilowdo olole tallaal oo ballaaran, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan goorta uu bilaaban doono.

XIGASHO:Reuters
Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Cimilada COP30
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo si rasmi ah loogu caleemo saaray musharraxa xisbigiisa ee doorashada
3 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo milatari oo laga fuliyey Soomaaliya
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka muhiimka ah ee cimilada (COP30) ee Brazil