Saxafi u dhashay Britain oo ka mid ahaa dadka ka qaybgalay Kolonyada Sumud Flotilla ayaa ammaanay marti-soorka Turkiga kadib markii laga soo tarxiilay Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sheegay in tallaabada ugu muhiimsan ee Ankara qaaday ay ahayd in u dhaqdhaqaaqayaasha loo geeyey dhakhaatiir iyo qareenno, isla markaana ay ururiyeen "caddeymo muujinaya dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada."
Kieran Andrieu waa mid ka mid ah 13-ka muwaadin oo u dhashay Britain oo Israa’iil si sharci-darro ah u xirtay kaddib markii ay weerartay doomaha Kolonyada Global Sumud Flotilla oo ku safrayey biyaha caalamiga ah.
Wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Anadolu isagoo ku sugan garoonka Heathrow ee London, halkaas oo uu ka soo degay habeenimadii Axadda isagoo la socda saddex u dhaqdhaqaaqe oo kale oo British ah, Sarah Wilkinson, Francis Cummings, iyo Evie Snedker, ayuu sheegay in safarkoodu uu ka dheeraaday intii ay filayeen, maadaama uu ahaa mid adag.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu intaas ku daray, "Waxa na mideeyey marka hore jacaylka aan u qabno Falastiin iyo dadka reer Qaza. Marka labaad, waxa na mideeyey kalsoonida iyo saaxiibtinimada naga dhex dhalatay intii aan doonta saarnayn, taas oo naga caawisay inaan u adkeysanno xaaladaha adag."
Isagoo ka hadlayey dhibaatooyinka ay la kulmeen intii ay ku jireen safarkooda ku sii jeeday Qaza, sida weerarada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka, caqabadaha farsamo, iyo duufaannada, Andrieu wuxuu sheegay in dhibaatooyinkaas aysan la barbar dhigi karin silica maalin kasta ee ay Falastiiniyiinta ku hayso dowladda gumeysiga iyo xasuuqa wadda.
"Waxay ahayd sharci-darro in ciidamada Israa’iil ay doonteena soo fuulaan ama ay na joojiyaan. Waxaan xaq u lahayn inaan galno biyaha Qaza haddiiba dadka reer Qaza ay noo ogolaadeen," ayuu yiri isagoo tilmaamaya weerarada Israa’iil ku qaaday Kolonyada flotilla.
‘Waxaa nala afduubay annagoo indhaha naloo duubay’
Isagoo ka hadlayey sida ciidamada Israa’iil ay ula dhaqmeen dadka u dhaqdhaqaaqayaasha kadib markii ay si sharci-darro ah u xireen, Andrieu waxa uu sheegay in muddo dheer loo diiday biyo, taas oo xadgudub ku ah xeerarka Geneva.
"Waxaa nala kaxeeyey annagoo indhaha naloo duubay oo gacmaha nalaga xiray, waxaana nala saaray bas qabow iyadoo habeenbarkii naloo qaaday xabsi ku yaalla lamadegaanka Negev, halkaas oo maxaabiista reer Falastiin lagu jirdili jirey waagii hore," ayuu yiri.
Isagoo xasuusanaya xaaladaha adag, wuxuu sheegay in lagu xiray qolal yaryar oo ay ku jireen 10 ilaa 12 qof, isla markaana loo diiday xitaa dawooyinkoodii muhiimka ahaa.
"Waxaan arkay dad qaba xanuunnada wadnaha, oo ay da’doodu gaarayso ilaa 80 sano, iyagoo dawooyinkoodii hortooda lagu tuuray," ayuu yiri.
Isagoo ka jawaabaya hadallada saraakiisha Israa’iil ee ku tilmaamay dadkii saarnaa doomaha Kolonyada Global Sumud Flotilla inay yihiin "argagixiso," Andrieu waxa uu yiri: "Waa cajiib, argagixiso hubkoodu yahay caanaha carruurta, raashin, iyo dawooyin."
Wuxuu intaas ku daray: “Dhab ahaantii, argagixisadu waa kuwa xasuuqa wada, kuwa aamminsan inay ciqaab la’aan ku duqeeyaan deriskooda markay doonayaan sababo siyaasadeed dartood, kuwaas oo sababay in carruurtii ugu badneyd gacmahooda iyo lugahooda waayaan taariikhda dunida qarniyadii la soo dhaafay.”
‘Jirdil bareer ah’
Andrieu waxa uu sheegay in ku tilmaamidda u dhaqdhaqaaqayaasha inay yihiin argagixiso ay tahay "mid nasiib-darro ah oo lagu qoslo," isagoo intaas ku daray in kuwa sidaas u fikiraya ay tahay inay "madaxa hoos u dhigaan" inta noloshooda ka dhiman.
“Balse ma yeeli doonaan,” ayuu yiri, “waayo qof damiir leh ma maamuli karo xasuuq sidaan u foolxun.”
Waxa uu sheegay in lagu khasbay inay jilbo joogsadaan muddo lix saacadood ah, taas oo uu ku tilmaamay jirdil bareer ah.
Isagoo tusaale ka bixinaya sida saraakiisha Israa’iil ula dhaqmeen u dhaqdhaqaaqayaasha intii ay ku jireen xabsiga, waxa uu sheegay in mid ka mid ah dadka la xiray uu habeenkii qayliyey isagoo leh "i caawiya, xaalad caafimaad oo degdeg ah," iyagoo u maleynayay inuu wadnaha istaagayo.
Wuxuu sheegay in ninkii uu ku dhawaaqayey inuusan neefsan karin, balse aysan jirin wax jawaab ah oo ka yimid saraakiisha Israa’iil, inkastoo dhakhtar uu joogay gudaha xabsiga.
“Ugu dambeyn, qof ayaa yiri, ‘waa inaan joojinaa qaylada, waayo waxay go’aansadeen inay u oggolaadaan inuu dhinto; waa inuu isku dayaa inuu neeftiisa xakameeyo,’ sidaas ayuuna sameeyay,” ayuu yiri Andrieu.
“Waxay ahayd wax aanan filaynin,” ayuu raaciyay, “markii aan toosay saacadu markay ahayd 5-tii subaxnimo, anigoo ku toosay waardiyayaasha Israa’iil oo garaacaya albaabbada xabsiga, isla markaana noogu yeeraya magacyadeenna.” ayuu yiri.
‘Waxa ugu muhiimsan’
Isagoo ka hadlayey maalintii uu joogey Turkiga kadib markii laga soo tarxiilay xabsiyada Israa’iil, waxa uu sheegay: "Waxay ahayd maalin wanaagsan. Waa u mahadcelinayaa Turkiga."
Isagoo ammaanaya marti-soorka Turkiga, waxa uu sheegay inay siiyeen cunto wanaagsan iyo sariiro raaxo leh oo ay ku nastaan habeenkaas.
“Taasi aad baan u qadarinay,” ayuu yiri, "Balse waxa ugu muhiimsan ee ay sameeyeen waxay ahayd inay noo geeyaan dhakhaatiir, qareenno, isla markaana ay ururiyeen caddeymo muujinaya dambiyo ka dhan ah bini’aadantinimada," ayuu ku daray.
Ciidamada badda ee Israa’iil ayaa weeraray oo qabsaday doonyaha Kolonyada Global Sumud Flotilla laga bilaabo Arbacadii, iyagoo xiray in ka badan 470 qof oo u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha oo ka kala yimid in ka badan 50 waddan. Halka ay tarxiishay ku dhawaad 170 ka mid ah dadkaas oo laga soo dejiyey Istanbul, halka qaybo kalena loo diray Talyaaniga iyo Isbaanishka.
Kolonyada Sumud Flotilla ayaa isku dayayey inay gargaar bini’aadantinimo gaarsiiyaan Qaza iyo inay jebiyaan go’doominta Israa’iil ee deegaankaas.
Israa’iil ayaa go’doon ku haysa Qaza muddo ku dhow 18 sano, halkaas oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 2.4 milyan oo qof.
Tan iyo bishii Oktoobar 2023, duqeymaha Israa’iil ayaa gudaha Qaza ku dilay in ka badan 67,000 oo Falastiiniyiin ah, una badan haween iyo carruur, taas oo ka dhigtay deegaanka mid aan lagu noolaan karin.