CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo furay baaritaan ku saabsan xabsiga muwaadiniintiisa la socday Kolonyada Sumuud ee Qaza
Baaritaanka ayaa ku saabsan eedeymaha jirdilka, xorriyad ka qaadida, afduubka ama qabsashada gaadiid, dhac xad dhaaf ah iyo burbur hantiyeed.
Turkiga oo furay baaritaan ku saabsan xabsiga muwaadiniintiisa la socday Kolonyada Sumuud ee Qaza
Guud ahaan 223 u dhaqdhaqaaqe caalami ah oo saarnaa kolonyada doomaha gargaarka ee ku wajahnaa Qaza ayey ciidamada Israa’iil xabsiga dhigeen. / AP
2 Oktoobar 2025

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa bilaabay baaritaan ku saabsan xarigga 24 muwaadin oo Turki ah intii lagu guda jiray weerarkii Israa’iil ku qaaday Kolonyada Samafalka ee Global Sumud Flotilla oo ku safrayay biyaha caalamiga ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Istanbul ayaa Khamiistii bayaan uu soo saaray ku sheegay in baaritaanka la bilaabay kadib markii 24 muwaadin oo Turki ah xabsiga loo taxaabay, kadib weerar ay ciidamada badda ee Israa’iil ku qaadeen doomaha Kolonyada Global Sumud Flotilla oo ku wajahnaa marinka Qaza si ay u gaarsiiyaan gargaar bini’aadantinimo.

Baaritaankan waxaa lagu salaynayaa qodobbada Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda, xeerarka awoodda garsoorka ee ku jira Qodobka 15-aad ee Xeerka Habka Ciqaabta, iyo qodobbada waajibaadka ee ku jira Qodobbada 12-aad iyo 13-aad ee Xeerka Ciqaabta Turkiga. Eedeymaha waxaa ka mid ah “xorriyad ka qaadis,” “afduubid ama qabsasho gaadiid,” “dhac xad-dhaaf ah,” “bur-burinta hanti,” iyo “jirdil.”

223 u dhaqdhaqaaqe caalami ah oo la xiray

Guud ahaan 223 u dhaqdhaqaaqe caalami ah oo saarnaa kolonyada doomaha gargaarka ee ku wajahnaa Qaza ayey ciidamada Israa’iil xabsiga dhigeen, sida ay Khamiistii sheegeen qabanqaabiyeyaashu. Kooxda Global Sumud Flotilla ayaa ku sheegtay bartooda X inay xaqiijiyeen in 15 doon ay weerareen ciidamada Israa’iil tan iyo habeenkii Arbacada, iyadoo 8 kale la filayo in la weeraro ama hadda weerar lagu hayo.

Flotilla ayaa bartooda Instagram ku shaaciyey magacyada iyo dhalashooyinka 223 u dhaqdhaqaaqe oo saarnaa doonyaha la weeraray. Dhanka kale, raadraaca rasmiga ah ee flotilla ayaa muujiyay in 20 doon ay weerareen ciidamada Israa’iil, halka 24 kale ay weli ku sii socdaan Qaza.

Israa’iil ayaa go’doon ku haysay Gaza, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 2.4 milyan oo qof, muddo ku dhow 18 sano, iyadoo go’doonka sii adkaysay bishii Maarso markii ay xirtay xuduudaha oo ay joojisay keenista cunto iyo dawo, taasoo deegaanka ka abuurtay macaluul daran.

Tan iyo bishii Oktoobar 2023, duqeymaha Israa’iil ayaa dilay in ka badan 66,000 Falastiiniyiin ah, oo u badnaa haween iyo carruur. Qaramada Midoobay iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah uga digay in gobolka laga dhigay mid aan lagu noolaan karin, iyadoo macaluusha iyo cudurradu ay si xawli ah ugu faafayaan.

XIGASHO:TRTWorld and agencies