Itoobiya ayaa hirgelisay mashruuc dhaqaale oo kale oo waaweyn, iyadoo sidoo kale dhagax dhigtay mashaariic kale oo guud ahaan qiimahoodu dhan yahay $10 bilyan.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Khamiistii, Oktoobar 2, si rasmi ah u daahfuray wajiga koowaad ee mashruuca Gaaska Dabiiciga ah ee Ogaden (Ogaden Liquified Natural Gas) oo lagu dhisay deegaanka Calub ee gobolka Soomaalida ee Itoobiya.
Warshaddan ayaa ah mid adeegyo badan leh, waxaana la filayaa inay soo saarto 111 milyan oo litir oo gaaska dabiiciga ah iyo 1,000 megawatt oo koronto ah.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sidoo kale dhagax dhigay wajiga labaad ee mashruuca gaaska oo ka ballaaran kii hore, isla markaana awood u leh inuu sannadkii soo saaro 1.3 bilyan oo litir oo gaaska dabiiciga ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale daahfuray mashruuc warshad bacrimin ah oo qiimaheedu yahay $2.5 bilyan, kaas oo lagu dhisayo iskaashi ay la leeyihiin Shirkadda Dangote Group oo uu leeyahay ninka ugu qanisan Afrika, Aliko Dangote. Heshiiskii la saxiixay bishii Agoosto ayaa dhigaya in Itoobiya ay yeelan doonto saami dhan 40%, halka Dangote Group ay yeelan doonto 60%. Warshaddan ayaa la filayaa inay sannadkii soo saarto saddex milyan oo tan oo bacrimin ah.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa daahfuray dhismaha warshad weyn oo sifeysa shiidaalka, oo ay dhisayso shirkad Shiinays ah, taas oo qiimaheeduna yahay $2.5 bilyan. Warshaddan ayaa la filayaa inay maalin walba sifeyso ilaa 70,000 oo fuusto oo shiidaal ah.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in warshadda sifeynta shiidaalka ee Godey ay saliidda cayriin ka heli doonto ceelka shiidaalka ee Hilala ee dalka Itoobiya.
Weli lama caddeyn goorta la dhammeystiri doono labada mashruuc ee waaweyn, hase yeeshee qaar ka mid ah warbaahinta ayaa soo xigatay afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha, Billene Seyoum, oo sheegtay in wajiyada koowaad lagu dhammeystiri doono muddo 24 bilood gudahood ah.
Itoobiya oo dadkeedu ka badan yihiin 135 milyan ayaa ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika kaddib Nigeria, oo ay ku nool yihiin in ka badan 230 milyan oo qof.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa sheegay in mashaariicdan ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dadaalka dalka ee warshadaynta, iyadoo diiradda la saarayo isku filnaanshaha tamarta, bacriminta iyo amniga cuntada, isla markaana ay “kor u qaadi doonaan magaca Itoobiya ee caalamka, si waafaqsan ruuxda dhabta ah ee aqoonsiga Itoobiya.”
Horumarkan ugu dambeeyay ayaa yimid wax ka yar bil kaddib markii Itoobiya ay daahfurtay biyo-xireenka ugu weyn Afrika ee dhalinta tamarta korontada, Grand Ethiopian Renaissance Dam, kaas oo awood u leh inuu soo saaro in ka badan 5,000 megawatt oo koronto ah.