Ciidamada amniga Soomaaliya ayaa Sabtidii, 4-tii Oktoobar, fashiliyay weerar ay kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Baarista ee Jilacow, oo ah xabsi muhiim ah oo lagu hayo eedeysanayaal argagixiso.
Dowladda Soomaaliya ayaa Axaddii xaqiijisay in la dilay dhammaan toddobadii dhagarqabe ee weerarka soo qaaday.
Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ah, ayaa ku bilowday qarax xooggan galabnimadii Sabtida, kaas oo jugtiisa laga maqlay meelo ka baxsan xarunta. Goobjoogeyaal iyo weriye ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inay maqleen qaraxyo dhowr ah iyo isweydaarsi rasaas culus oo ka socday gudaha xarunta Jilacow muddo saacado ah.
Warbixin ka soo baxday dowladda ayaa lagu sheegay in argagixisadu ay adeegsadeen gaari nooca Cabdi-Bilaha ah oo loo ekeysiiyay kan ciidamada amniga, ayna xirnaayeen darees ciidan, taasoo u sahashay inay si dhib yar uga soo gudbaan baraha koontarool ee caasimadda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa bayaan ay soo saartay ku tidhi: "Ciidamada amniga waxay ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarkii argagixisada, iyagoo toogtay dhammaan toddobadii argagixiso ee ku lugta lahaa."
Weerarka oo ka dambeeyay jab culus oo cadowga gaaray
Weerarkan ayaa loo arkaa mid ka tarjumaya "rafashada" cadowga, kadib jab xooggan oo ciidamada dowladdu ay u geysteen kooxda maalin ka hor, 3-dii Oktoobar. Howlgallo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa looga xoreeyay deegaannada Awdheegle, Raqayle, Shaangarre iyo Malabo.
Sidoo kale, duqeymo culus oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaannada Jilib, Mubaarak, iyo Kuunya-Barrow ayaa lagu dilay horjoogayaal waaweyn, oo uu ka mid yahay ku-xigeenkii madaxa guud ee Amniyaadka Al-Shabaab, Maxamed Cusmaan Maxamed (Tuutax), oo sidoo kale ahaa madaxa soo iibinta walxaha qarxa.
Dhacdadan Jilacow ayaa muujisay baahida loo qabo in si adag loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka ciidamada ee caasimadda. Dowladda ayaa tacsi u dirtay qoysaska geesiyaashii ku shahiiday fashilinta weerarka.