CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Jaamacadda Zamzam oo hoggaamineysa koboca beeraha si loo xoojiyo amniga cuntada Soomaaliya
Dalagyada ugu badan ee ka baxa greenhouse-ka jaamacadda waxaa ka mid ah yaanyo, basbaas, qajaar iyo khudaar kale, iyo miro ay ka mid yihiin moos, cambe iyo qaraha.
Jaamacadda Zamzam oo hoggaamineysa koboca beeraha si loo xoojiyo amniga cuntada Soomaaliya
Kulliyada Beeraha ee Jaamacadda 'waa mid ka mid ah wax-soo-saarka raasamaalka u ah beeraha Soomaaliya,' ayuu yiri Maxamuud Maxamed Xasan Xarbi. / AA
3 Oktoobar 2025

Jaamacadda Sayniska iyo Teknoolojiyadda Zamzam (ZUST) ee Soomaaliya ayaa horumar ka sameyneysa xallinta caqabadaha amniga cuntada dalka iyadoo kordhineysa wax-soosaarka beeraha.

Jaamacadda oo fadhigeedu yahay Muqdisho, isla markaana taageero ka hesha hay’ado Turki ah sida TIKA iyo IHH, ayaa bixisa tiknoolajiyad casri ah oo dhinaca beeraha ah. Ardayda kulliyadda Beeraha ayaa ku tababarta cilmi-baaris iyo tijaabooyin lagu sameeyo jaamacadda, isla markaana dalagyada lagu beero greenhouse casri ah.

Madaxa jaamacadda ZUST, Maxamuud Maxamed Xasan Xarbi, ayaa u sheegay Anadolu in “mid ka mid ah saameynta ugu weyn ee Jaamacadda Zamzam ee Soomaaliya ay tahay hagaajinta amniga cuntada,” isagoo sheegay inay tahay jaamacaddii ugu horreysay ee dalka keenta greenhouse-ka casriga ah.

Dalagyada ugu badan ee ka baxa greenhouse-ka jaamacadda waxaa ka mid ah yaanyo, basbaas, qajaar iyo khudaar kale, iyo miro ay ka mid yihiin moos, cambe iyo qaraha.

Tababarka jiilka cusub ee beeraleyda ah

Xarbi ayaa sheegay in kaddib booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan (oo markaas ahaa Ra’iisul Wasaare) uu ku yimid Soomaaliya 2011, ay IHH, TIKA iyo Hay’adda Zamzam Foundation ka wada hadleen sidii loo tababari lahaa beeraley aqoon u leh kordhinta wax-soosaarka dalka iyo sidii loola dagaallami lahaa gaajada.

“Waxaan nahay mid ka mid ah xarumaha ugu waaweyn ee soo saara aqoonyahannada beeraha Soomaaliya,” ayuu yiri Xarbi.

Wuxuu sheegay in dhismaha kulliyadda Beeraha uu ahaa tallaabadii ugu horreysay ee horumarinta wax-soosaarka beeraha, iyadoo jaamacaddu tan iyo markaas xoogga saartay baridda dhalinyarada farsamooyinka casriga ah ee beeraha.

Kadib tababar laba sano ah oo gaaban iyo diplomooyin, waxaa 2014-kii la aasaasay jaamacadda ZUST oo leh Kulliyadda Beeraha. Ujeeddada waxay ahayd dhisidda awooda wax-soosaarka iyo cunto, iyadoo markii dambe lagu daray kulliyadaha caafimaadka, injineeriyadda iyo tiknoolajiyadda.

Ka gudubka caqabadaha biyaha si loo xoojiyo amniga cuntada

Inkasta oo Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay dhibaatooyin dhinaca cuntada iyo wax-soosaarka 20-kii sano ee la soo dhaafay, haddana Xarbi ayaa sheegay in jaamacadda ZUST ay tobankii sano ee la soo dhaafay tababartay beeraley tayo leh oo hadda Wasaaradda Beeraha iyo dowlad-goboleedyada kala shaqeeya kordhinta wax-soosaarka dalka.

“Maanta wax-soosaarka khudaarta ee Muqdisho wuxuu ku tiirsan yahay beeraleyda aan tababarnay iyo ardayda aan soo saarnay,” ayuu xusay.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya inkastoo ay leedahay laba webi iyo ciid bacrin ah, haddana beeraley badan ay ku tiirsan yihiin beeraha roobka ku baxa, maadaama aysan awoodin in ay keensadaan matooro ka soo jiida biyaha webiyada.

“Haddii laga taageero sidii loo adeegsan lahaa webiyada iyo ceelasha biyaha dhulka hoostiisa, waxaan hubaa inaan caawin karno beeraleyda si ay cunto ku filan ugu soo saaraan Soomaaliya,” ayuu yiri.

Xoojinta amniga cuntada

Ku-xigeenka hormuudka kulliyadda, Cabdirisaaq Maxamed Sheekh Cabdi, oo wax ku soo bartay dalka Turkiga, ayaa sheegay in beeruhu ku yaraadeen Soomaaliya intii lagu jiray dagaalladii sokeeye. Balse greenhouse-yo la dhisay 2012-kii iyada oo la kaashanayo Hay’adaha TIKA iyo Zamzam Foundation, ayaa dadka deegaanka baray in galleyda la goosan karo 3–4 jeer sannadkii.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in amniga cuntada lagu xaqiijin karo beeraha iyadoo ardayda lagu baro tiknoolajiyadaha casriga ah afar sano, si loogu diyaariyo wax-soosaarka sare ee dalka.

Wuxuu sheegay in sidoo kale la beero sisin iyo qamadi, isagoo intaas ku daray in qamadiga ay suurto gashay in lagu tijaabiyo jaamacadda.

“Haddii tallaabooyinka saxda ah la qaado, Soomaaliya kama dhici doono macluul ama dhibaato la xiriirta cuntada,” ayuu ku nuuxnuuxsaday.

XIGASHO:AA