Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulankoodii ugu horreeyay ee Kalfadhiga 7-aad ku ansixiyay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Daryeelka Carruurta.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ahaa mid taariikhi ah oo lagu meel mariyay heshiiskan muhiimka ah.
Kalfadhiga oo ku furmay kooram dhan 145 xildhibaan, ayaa cod gacan-taag ah loogu qaaday axdiga. Waxaa ogolaatay 130 Xildhibaan, halka ay diideen 10 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 5 Xildhibaan, sidaasna lagu meel mariyay axdiga.
Dhinaca kale, waxaa dib loogu celiyay guddiyada ay khuseeyaan laba heshiis oo ganacsi oo muhiim ah: Heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika (AFCFTA) iyo Heshiiska Xubinimada Suuqa Ganacsiga Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA).
Go'aankan ayaa yimid kadib markii Guddiga Arrimaha Dibadda iyo Guddiga Ganacsiga ay codsadeen in dib loogu soo celiyo si ay uga soo shaqeeyaan arrimo farsamo.
Guddoomiye Madoobe ayaa faray guddiyada inay si degdeg ah Golaha ugu soo celiyaan heshiisyadan oo muddo dheer horyaallay.
Kulanka ka hor, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo lagu abaalmariyay soo xaadiridda joogtada ah, iyo Xildhibaan Guuleed Biixi oo lagu ammaanay inuu yahay xildhibaanka keliya ee leh xafiis dadweyne.
Waxaa sidoo kale la abaalmariyay laba xubnood oo ka tirsan howlwadeennada Golaha.
Soomaaliya waxay noqotay dalkii ugu dambeeyay ee qaaradda ee ansixiya heshiiskan gobolka ee xuquuqda aadanaha.
Axdigan oo asal ahaan uu ansixiyay Ururkii Midowga Afrika (OAU) sanadkii 1990-kii, wuxuu ku waajibinayaa wadamada xubnaha ka ah inay ilaaliyaan oo ay horumariyaan xuquuqda carruurta, oo ay ku jirto in laga badbaadiyo dhibaateynta iyo in la siiyo fursad ay ku helaan waxbarasho iyo daryeel caafimaad.