Faallooyin
SIYAASADDA
3 daqiiqo akhris
Heshiiska Badda ee Túrki-Soomaaliya iyo Muhiimaddiisa Geeska Afrika
Ankara ayaa door muhiim ah ka ciyaaraysay dalka Soomaaliya muddo tobannaan sano ah, heshiiskan cusubna wuxuu wax badan ka tari doonaa horumarka dhaqaale ee Muqdisho iyo qeybo kale oo badan.
00:00
Heshiiska Badda ee Túrki-Soomaaliya iyo Muhiimaddiisa Geeska Afrika
Ka dib ku dhawaaqista heshiiskan, xaflad dabaaldeg ah ayaa lagu qabtay caasimadda Soomaaliya, Muqdisho. Boqolaal qof oo ka qeybgalay xafladda ayaa lulayay calamada Turkiga iyo Soomaaliya. / Sawirka: AA
3 Febraayo 2025

WAXA QORAY IBRAHIM ALEGOZ

Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga, Yaşar Güler, iyo dhigiisa Soomaaliya ayaa dhawaan ku kulmay magaalada Ankara, halkaas oo ay ku kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha.

Bishii Febraayo 21-keedii, Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa si degdeg ah u ansixiyay heshiiskan, kaasoo suurta gelinaya dhismaha ciidan badeed wadajir ah, iyadoo Túrki ay balanqaaday ilaalinta biyaha Soomaaliya muddo toban sano ah iyo horumarinta khayraadka badda ee dalka.

Heshiiskani ma ahan oo kaliya fursad gaar ah oo lagu horumarinayo amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya, balse wuxuu sidoo kale saameyn togan ku yeelan karaa gobolka, taasoo u baahan in ay taageeraan dhinacyada caalamiga ah.

Muhiimadda Istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika

Geeska Afrika waxaa muddo dheer loo aqoonsaday inuu yahay gobol muhiim ah oo istiraatiiji ah, gaar ahaan xilligii dagaalkii qaboobaa, markaas oo uu noqday goob loollan u dhaxaysay quwadihii waaweynaa.

Xitaa kadib dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, muhiimaddiisa istiraatiijiga ah ayaa dib u soo noolaaday, maadaama uu qeyb weyn ka noqday dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro argagixisada.

Gobolkani wuxuu xuduud la leeyahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo deris la ah Sacuudiga iyo Yemen. Wuxuu albaab u yahay Badweynta Hindiya iyo marinka muhiimka ah ee Badda Cas.

Sidoo kale, Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika, oo dhan 3,898 km, halka aagga badeedka gaarka ah (EEZ) uu gaarayo ilaa 1,000,000 km^2, taasoo leh khayraad aad u badan.

Dhibaatooyinka Amniga iyo Xalka Heshiiska

Tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, dalkaan wuxuu wajahay laba caqabad oo waaweyn oo caalami ah: argagixisada iyo burcad-badeedka. Labaduba waxay caqabad weyn ku noqdeen nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dunida waxay ku bixisay boqolaal bilyan oo doollar dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya tan iyo 1991, si la mid ahna waxaa la geliyay dadaallo lagu ciribtirayo argagixisada iyo burcad-badeedka.

Heshiiska Soomaaliya iyo Túrki wuxuu xoojin karaa amniga xeebaha, wuxuuna caqabadahaas uga dhigi karaa fursado dhaqaale, sida kor u qaadista kalluumeysiga, horumarinta dekedaha, iyo kobcinta maalgashiga shisheeye.

Soomaaliya iyo Iskaashiga Turkiga

Booqashadii Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ee Muqdisho sanadkii 2011 waxay ahayd dhacdo taariikhi ah, maadaama ay ahayd booqashadii ugu horreysay ee hoggaamiye aan Afrikaan ahayn uu ku tago Soomaaliya tan iyo 1991.

Tan iyo markaas, Túrki waxay gacan weyn ka gaysatay dib u dhiska Soomaaliya, iyadoo la timid gargaar bani'aadamnimo, tababaro ciidan, iyo maalgashi dhaqaale.

Sanadkii 2017, saldhigga tababarka militari ee TURKSOM ayaa laga hirgeliyay Muqdisho, halkaas oo la tababaro ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Túrki waxay tababar u fidisay ilaa 15,000-16,000 oo askari.

Sidoo kale, safaaradda ugu weyn ee Túrki ay ku leedahay Afrika ayaa laga dhisay Muqdisho, taasoo muujinaysa sida uu sare ugu kacay xiriirka labada dal.

Faa'iidooyinka Heshiiska

Heshiiskan wuxuu Soomaaliya u keenayaa faa'iidooyin badan oo ay ka mid yihiin:

Xoojinta amniga xeebaha iyo la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah, oo Soomaaliya ku waaydo $300 milyan sanadkii.

Hormarinta kalluumeysiga, oo la filayo inuu Soomaaliya u keeno illaa $500 milyan sanadkii.

Kobcinta dakhliga qaranka iyo shaqo abuurka, maadaama ay dad badan ka faa'iideysan karaan kalluumeysiga iyo adeegyada la xiriira.

Yareynta halista burcad-badeedka oo caqabad ku ahayd maraakiibta caalamiga ah.

Kor u qaadista maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida dekedaha iyo gaadiidka badda.

Heshiiskan wuxuu fure u noqon karaa horumarka badda Soomaaliya, wuxuuna wax badan ka tari karaa xasilloonida iyo koboca dhaqaale ee Geeska Afrika.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Wasiirka cusub ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo xilka loo dhaariyay
Itoobiya iyo Kenya oo 62 sano kadib cusboonaysiiyay heshiis iskaashi difaac
Madaxweyne Xasan Sheekh: Soomaalinimadu waxay ku dhisan tahay sharci, ee kuma xirna midabka ama afka
Baarlamaanka dalka Chad oo muddada xilka madaxweynaha ka dhigay toddoba sano
Dad lagu eedeeyay inay aflagaaddeeyeen Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho oo lagu xiray
Malaawi: Dadweynaha oo u dareeray doorashada guud ee dalka
Sababta Boqortooyada Midowday ay Israaiiliyiinta uga mamnuucday Akadeemiyaddeeda Difaaca.
Suudaan: Golaha Wasiirrada oo fadhigoodii ugu horreeyay ku yeeshay Khartuum tan iyo dagaalkii
Soomaaliya oo shaacisay hannaan doorasho oo cusub kadib heshiis taariikhi ah
Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya oo dib u furay diiwaangelinta ururrada siyaasadda
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah Al-Shabab
Iska horimaad ka dhacay Muqdisho oo khasaare sababay
Safiirka Turkiga oo Martiqaaday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble
Soomaaliya: Nidaam cusub oo diiwaangelinta dadweynaha oo dijital ah oo la hirgeliyey
Soomaaliya oo ku dhawaaqday in kaarka aqoonsiga qaranka lagu codsan doono baasaboorka Soomaaliga ah
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo qalinka ku duugay dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari
Kenya: Steve Munyakho oo laga soo daayay xabsiga Sacuudiga, kuna soo laabtay dalkiisii
Kenya: Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay, tiro kalena waa ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata
Mahad Salaad: Sababta Soomaaliya ay ugu baahan tahay qorshaha hoggaamiyaha cusub ee sirdoonka
Booliiska Kenya oo kala eryay dibadbaxayaal dhigayay Sannad Guurada Saba Saba