Taliyaha ciidamada Nigeria ayaa amray in ciidankiisu sameeyaan baaritaanno "har iyo habeen" si loo helo 25 gabdhood oo dugsiga sare dhiganayey oo subaxnimadii Isniinta laga afduubtay gobolka Kebbi, oo ku yaalla waqooyiga-galbeed ee dalka.
"Waa inaan helnaa carruurtan," ayuu Isniintii ku yiri Janaraal Waidi Shaibu ciidamadii ku sugnaa gobolka Kebbi.
Koox rag hubeysan ayaa aroortii Isniintii afduubtay 25 gabdhood oo ka tirsan dugsiga gabdhaha ee Maga, sidoo kalena waxay dileen ku-xigeenkii agaasimaha dugsiga, Hassan Makuku.
Tani waa afduubkii labaad ee tiro badan oo arday ah oo ka dhaca Kebbi muddo afar sano gudahood ah. Sannadkii 2021, dambiilayaal ayaa afduubtay in ka badan 100 arday iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Federal Government College ee Yauri.
Ardaydii waxaa si tartiib tartiib ah loo sii daayay labadii sano ee la soo dhaafay. Qaar ka mid ah gabdhihii ayaa lagu qasbay guur, waxayna soo laabteen iyagoo ilmo wata.
Nigeria, oo ah dalka ugu dadka badan Galbeedka Afrika lana dhibban amaan-darro, afduubyada tirada badan waa arrin soo noqnoqota, gaar ahaan tan iyo markii ururka argagixisada ee Boko Haram uu afduubtay ku dhawaad 300 oo gabdhood oo iskuul dhiganayey, Chibok, waqooyiga-bari, sannadkii 2014.





















