CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Nigeria: Tirada dadka u dhintay qandhada Lassa oo gaartay 151 qof
Xanuunka Lassa oo ka dhaca dalal badan oo Afrikaan ah sida Mali, Togo, Ghana, Liberia, iyo Sierra Leone, ayaa markii ugu horreysay laga helay Nigeria sanadkii 1969-kii, gaar ahaan gobolka Borno ee waqooyi-bari dalkaas.
Nigeria: Tirada dadka u dhintay qandhada Lassa oo gaartay 151 qof
In kasta oo dowladda Nigeria iyo mas'uuliyiinta caafimaadku ay ka shaqeynayaan sidii ay u xakameyn lahaayeen cudurka dillaacay.
22 Luulyo 2025

Dalka Nigeria ayaa laga soo sheegayaa in tirada dadka u dhintay qandhada Lassa, oo ka gudba xoolaha una gudba dadka, ay gaartay 151 qof.

Bayaan kasoo baxay Xarunta Xakamaynta Cudurrada ee Nigeria ayaa lagu sheegay in laga digayo kororka kiisaska Lassa ee laga diiwaan geliyay dalka tan iyo bishii Janaayo.

Warbixinta ayaa xustay in laga soo bilaabo 1-dii Janaayo illaa hadda la xaqiijiyay 800 oo xaaladood oo Lassa ah, iyadoo tirada dadka u dhintay fayraska Lassa ay korodhay ayna gaadhay 151 qof.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in heerka dhimashada Lassa uu kordhay marka loo barbar dhigo sannadkii hore isla waqtigan, isagoo ka baxay boqolkiiba 17.3% gaareyna 18.9%.

Sannadkii hore, 190 qof ayaa guud ahaan dalka ugu geeriyooday qandhada Lassa.

Dowladda Nigeria ayaa 23-kii Janaayo 2019 ku dhawaaqday xaalad degdeg ah sababo la xiriira faafitaanka cudurka Lassa.

Xanuunka Lassa oo ka dhaca dalal badan oo Afrikaan ah sida Mali, Togo, Ghana, Liberia, iyo Sierra Leone, ayaa markii ugu horreysay laga helay Nigeria sanadkii 1969-kii, gaar ahaan gobolka Borno ee waqooyi-bari dalkaas.

Cudurkan oo uu sababo la falgalka saxarada jiirka ayaa sidoo kale si toos ah uga gudbi kara qof ilaa qof, wuxuuna sababi karaa xummad dhiig-bax keenta oo halis ah.

Mas’uuliyiintu waxay shacabka uga digeen in ay ka fogaadaan la falgalka jiirka iyo xayawaannada kale ee gurguurta.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Cimilada COP30
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo si rasmi ah loogu caleemo saaray musharraxa xisbigiisa ee doorashada
3 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo milatari oo laga fuliyey Soomaaliya
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka muhiimka ah ee cimilada (COP30) ee Brazil