Israaiil: Kumannaan qof oo dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qaza iyo heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah
CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Israaiil: Kumannaan qof oo dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qaza iyo heshiis is-dhaafsi maxaabiis ahDibadbaxayaashu waxay xireen waddooyin waaweyn, waxay gubeen taayarro, qaarkoodna waxay bannaanbaxyo ka hor dhigeen guryaha wasiirrada xukuumadda, iyagoo ku baaqaya heshiis lala galo Falastiiniyiinta.
Boqolaal kun oo Israa'iiliyiin ah ayaa ku cadaadinaya dowladda inay gasho heshiis isdhaafsi maxaabiis ah, xitaa haddii la soo afjarayo xasuuqa Qaza
27 Agoosto 2025

Boqollaal kun oo qof ayaa isugu soo baxay magaalooyin dhowr ah oo Israa’iil ku yaal, iyagoo dalbanaya in la joojiyo dagaalka Qaza lana gaaro heshiis is-dhaafsi maxaabiis ah oo lala galo Falastiiniyiinta.

Telefishinka Channel 12 ee Israa’iil ayaa baahiyay in boqollaal kun oo Israa’iiliyiin ah ay isugu soo baxeen magaalada Tel Aviv habeenimadii Talaadada.

Dadweynaha ayaa kaga dalbanayay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu inuu heshiis la gaaro Xamaas si loo soo celiyo la-haystayaasha ku sugan Qaza, xitaa haddii ay taasi ka dhigan tahay in la joojiyo dagaalka.

Isu-soo-baxa ugu weyn ayaa ka dhacay fagaaraha loo yaqaanno "Hostages Square," iyadoo dibadbaxayaashu ay buux dhaafiyeen waddooyinka ku hareeraysan.

Sida uu sheegay telefishinku, qoysaska la-haystayaasha ayaa iyaguna ka mid ahaa dadkii isugu soo baxay, waxaana la arkayay dadweyne waddooyin waaweyn xiraya iyagoo gubaya taayaro.

Sida ay ku warrantay idaacadda KAN ee dowladda, kooxo kale oo dibadbaxayaal ah ayaa isugu tagay afaafka hore ee guryaha wasiirro ka tirsan xukuumadda.

Waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda, Gideon Sa'ar, oo deggen bartamaha Israa’iil iyo Wasiirka Arrimaha Istaraatiijiyadda, Ron Dermer, oo ku sugan magaalada Qudus.

Halkan ka daalaco qeyb ka mid ah sawirada:

XIGASHO:TRT World and Agencies
Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Cimilada COP30
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo si rasmi ah loogu caleemo saaray musharraxa xisbigiisa ee doorashada
3 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo milatari oo laga fuliyey Soomaaliya
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka muhiimka ah ee cimilada (COP30) ee Brazil