CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
RW Falastiin oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay la wareegto Mas'uuliyadda Qaza
Hadalka Mustafa ayaa daba socda qorshe uu ku dhawaaqay Madaxweyne Trump oo lagu soo afjarayo dagaalka Qaza.
RW Falastiin oo sheegay in dowladdu diyaar u tahay inay la wareegto Mas'uuliyadda Qaza
Ra'iisul Wasaaraha Falastiin, Mohammad Mustafa, ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay la wareegto mas'uuliyadda Marinka Qaza / Reuters
9 saacadood ka hor

Ra'iisul Wasaaraha Falastiin, Mohammad Mustafa, ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay la wareegto mas'uuliyadda Marinka Qaza ee go'doonsan, ayna ka shaqaynayso sidii loo mideyn lahaa hay'adaha ku yaal Daanta Galbeed ee la haysto.

Wuxuu hadalkan ka sheegay furitaanka shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ee Ramallah, maalin kadib markii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, uu ku dhawaaqay qorshihiisa lagu soo afjarayo dagaalka Qaza.

Mustafa wuxuu adkeeyay diyaar ahaanshaha dowladda "si ay u qaadato mas'uuliyadeeda qaran oo buuxda, ha noqoto dadaallada gurmadka degdegga ah, soo kabashada iyo dib-u-dhiska Qaza, ama sii wadista dib-u-habeynta qaran ee dhammaystiran ee socotay muddo."

Maalintii Isniinta, Falastiin waxay soo dhoweysay qorshaha Trump ee lagu joojinayo dagaalka Israa’iil ee Qaza, waxayna ballanqaadday inay si wadajir ah ugala shaqeyn doonto Maraykanka, wadamada gobolka iyo saaxiibada kale "sidii dagaalka Qaza loogu soo afjari lahaa heshiis dhammaystiran."

Qorshaha Trump, oo uu ku dhawaaqay isagoo la hadlayay Ra'iisul Wasaaraha Israaiil, Benjamin Netanyahu, wuxuu qeexayaa sii deynta maxaabiista Israaiil 72 saacadood gudahood, xabbad-joojin, iyo hub-ka-dhigista Xamaas.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale ku baaqayaa in la abuuro guddi kormeer caalami ah oo uu guddoomiye ka yahay Trump, kaas oo kormeeraya maamul loo tababarayo inuu xukumo Qaza - iyadoo laga reebayo Xamaas lagana qaybgelinayn Maamulka Falastiiniyiinta.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaare Mustafa wuxuu dib u xaqiijiyay "dadaallada joogtada ah" ee lagu mideynayo hay'adaha qaranka ee Qaza iyo Daanta Galbeed, si dadaallada oo dhan ay u horseedaan xaqiiqo la taaban karo oo xoojisa amniga iyo xasilloonida.

Mustafa wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay Baaqa New York ee la ansixiyay bishii Sebteembar iyo aqoonsiga sii kordhaya ee loo fidinayo Dowladda Falastiin, isagoo ku tilmaamay horumar ay tahay in laga faa'iideysto si looga hortago barakicinta iyo goosashada dhulka, loogana hor yimaado isku dayada lagu wiiqayo Maamulka Qaran ee Falastiin, loona xoojiyo waddada loo marayo aasaaska dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan.

XIGASHO:TRT World and Agencies