Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilad sharaf ku gudoonsiiyay xiddiga feerka Soomaaliyeed Ramla Cali, xaflad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey dadaalka, adkaysiga iyo dhabar-adaygga marwo Ramla Cali, isagoo tilmaamay inay ku guuleysatay matalaadda qarankeeda xilli adag, isla markaana ay noqotay astaan qaran oo muujineysa rajo, midnimo iyo sharaf taas oo tusaale u ah dhalinyarada Soomaaliyeed.
Intii kulanku socday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa billad sharaf guddoonsiiyey marwo Ramla Cali, isaga oo uga mahadceliyey sumcadda iyo sharafka ay dalka u soo hoysay, iyo kaalinta muhiimka ah ee ay ku leedahay horumarinta iyo dhiirrigelinta ciyaaraha Soomaaliyeed.
Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in guulaha Ramla Cali ay caddeyn u yihiin awoodda iyo kartida dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo marka ay helaan taageero iyo fursad gaari kara heer caalami.
Marwo Ramla Cali oo toddobaadkii hore markii ugu horreysay 30 sano kadib dib ugu soo laabatay Soomaaliya, ayaa caan ku noqotay xirfadeeda heerka sare ah ee feerka caalamiga ah. Waxay ahayd ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed ee ka qayb gala Ciyaarihii Olombikada Tokyo 2022.
Ramla waxay u mahadcelisay shacabka Soomaaliyeed, dowladda iyo taageerayaasheeda, iyadoo sheegtay in soo dhoweynta diirran ay uga dhigan tahay mid ka mid ah waqtiyadii ugu farxadda badnaa nolosheeda.
“Waa mid ka mid ah waqtiyada aan ugu faanka badanahay nolosheyda,” ayay tiri marwo Ramla. “Waxaan rabaa dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha, inay ogaadaan in riyooyinkooda ay ka dhabayn karaan, inkasta oo caqabado badan ay jiraan.”
Xafladda waxaa sidoo kale ka qaybgalay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, iyo wasiir ku-xigeenkiisa, Marwo Dahabo Maxamed. Ramla waxaa safarkeeda ku weheliyey saygeeda, Richard Moore.
Maalintii Jimcaha, kumannaan taageerayaal ah ayaa isugu soo baxay garoonka Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho, halkaas oo kulan kubadda cagta ah loogu sameeyay soo dhoweynta Ramla. Ciyaarta saaxiibtinimo ayaa dhex martay xulka haweenka da’doodu ka yar tahay 17-ka sano iyo kan da’doodu ka yar tahay 20-ka sano, si dhiirigelin loogu sameeyo hablaha Soomaaliyeed ee doonaya inay ku biiraan ciyaaraha.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cali Cabdi Maxamed, ayaa sheegay in Ramla Cali ay tusaale u tahay waxa suuragalka ah:
“Waxay jebisay caqabado, waxayna kor u qaaday magaca Soomaaliya. Ma aha oo kaliya feeryahanad, waa hoggaamiyaha jiilka soo socda.”
Wasiirka Ciyaaraha, Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa ku tilmaamay Ramla tusaale awood leh oo dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan hablahu, ay ku daydaan. Wuxuu xusay in guusheedu ay caddeyneyso sida dhalinyarada Soomaaliyeed ay mustaqbalka dalkooda u qaabeeyn karaan.
Wuxuu sii raaciyey in dowladdu ay sii wadi doonto taageerada ciyaartoyda Soomaaliyeed ee magaca qaranka ku metela gudaha iyo dibadda.