In ka badan 100,000 oo rayid ah ayaa laga barakiciyey Al Fasher oo ku taalla galbeedka Sudan tan iyo markii magaalada ay la wareegeen RSF bishii hore, sida ay Isniintii sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM).
Bayaanka hay’adda ayaa lagu sheegay in 100,537 qof ay ka qaxeen magaalada una hayaameen 23 deegaan oo ku yaalla sagaal ka mid ah 18-ka gobol ee Suudaan.
IOM waxay sheegtay in kooxaha ku sugan goobaha ay ka howlgalaan ay ka warbixiyeen amni darro xad dhaaf ah oo ka jirta jidadka barakaca, taasoo carqaladeyn karta dhaqdhaqaaqa rayidka.
Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa Isniintii sheegtay in saacad kasta ay sii kordhayaan tirada rayidka barakacay ee ka cararay Al Fasher ee imaanaya magaalada Al-Dabba ee waqooyiga Suudaan.
Xeer-ilaaliyaha Guud oo booqday xeryaha barakacayaasha ee Al Fasher
Dhanka kale, Xafiiska Dacwad-oogaha Guud ee Suudaan ayaa diiwaangeliyey 1,365 cabasho oo ka yimid rayidkii ka barakacay Al Fasher ee Waqooyiga Darfur iyo gobollada Kordofan, kuwaasoo ku saabsan xadgudubyada lagu eedeeyay RSF.
Bayaanka xafiiska ayaa sidoo kale sheegay in Xeer-ilaaliyaha Guud Intisar Ahmed Abdel-Aal ay booqatay xeryaha barakacayaasha ee Al-Dabba si ay u qiimeyso baaxadda xadgudubyada ka dhacay Al Fasher iyo Kordofan.
Bishii hore, RSF ayaa qabsatay Al Fasher, caasimadda Waqooyiga Darfur, waxaana lagu eedeeyay in ay geysteen xasuuq. Kooxdu waxay gacanta ku heysaa shanta gobol ee Darfur, iyadoo ciidanka Suudaan uu xakumo inta badan 13-ka gobol ee kale ee ka tirsan 18-ka gobol ee Suudaan, oo ay ku jirto Khartuum.
Darfur waxay ku fadhidaa qiyaastii 1/5 (shan meelood meel) ee dhulka Suudaan, balse inta badan dadweynaha dalka oo gaaraya 50 milyan waxay ku nool yihiin deegaano ay maamulaan ciidamadu.
Dagaalka Suudaan u dhexeeya ciidanka iyo RSF, oo bilaabmay Abriil 2023, ayaa sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ku dilay ugu yaraan 40,000 qof isla markaana 12 milyan ka barakiciyey.





















