CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Xisbiga Talada haya ee Talyaaniga oo doonaya in la Mamnuuco Xirashada Burqa iyo Niqaabka
Mamnuuciddan ayaa ka hor istaagi doonta xirashada dharka wejiga qariya goobaha sida dukaamada, iskuullada iyo xafiisyada, iyadoo lagu soo rogi doono ganaax u dhexeeya €300 ilaa €3,000.
Xisbiga Talada haya ee Talyaaniga oo doonaya in la Mamnuuco Xirashada Burqa iyo Niqaabka
Xisbiga Talada haya ee Talyaaniga oo doonaya in la Mamnuuco Xirashada Burqa iyo Niqaabka
9 Oktoobar 2025

Xisbiga talada haya ee Talyaaniga ee Brothers of Italy ayaa ku dhawaaqay qorshe uu ku doonayo inuu sharci cusub ku soo rogo, kaas oo haweenka Muslimiinta ah uga mamnuucaya inay xirtaan burqa iyo niqaabka goobaha dadweynaha, iyagoo tallaabadan ku tilmaamay mid ka dhan ah "gooni-u-goosadnimada Islaamiga ah," sida uu Arbacadii warinayay Politico.

"Xorriyadda diintu waa muqaddas, laakiin waa in lagu dhaqmaa si furan, iyadoo si buuxda loo ixtiraamayo dastuurkeenna iyo mabaadi'da dawladda Talyaaniga," ayuu yiri xildhibaan Andrea Delmastro, oo ka mid ah dadka hindisay sharcigan, qoraal uu Arbacadii soo dhigay bartiisa Facebooga.

Burqaha waa dhar jirka oo dhan asturaya oo haweeneyda ka daboolaya madax ilaa lugo, kuna leh daah shabaq ah oo indhaha horyaalla. Niqaabku wuxuu bannaanaynayaa oo kaliya aagga indhaha ku wareegsan.

Mamnuuciddan la soo jeediyay ayaa ka hor istaagi doonta dharka noocan oo kale ah goobaha dadweynaha sida dukaamada, iskuullada iyo xafiisyada, iyadoo lagu soo rogi doono ganaax u dhexeeya €300 ilaa €3,000 qofkii ku xadgudba.

Soo jeedintan ayaa qayb ka ah sharci ballaaran oo wax looga qabanayo waxa xisbiga midigta-fog ee Ra'iisul Wasaare Giorgia Meloni uu ugu yeeray "gooni-u-goosadnimo."

"Waa sharci-qabyo diiradda saaraya nidaaminta dhaqaalaha masaajidda iyo mamnuucista indho-shareerka. Wuxuu sidoo kale bartilmaameedsanayaa guurka qasabka ah, wuxuuna ku qasbayaa kooxaha diimeed ee aysan dawladdu aqoonsanayn inay soo bandhigaan dhaqaalaha dibadda uga yimaada," ayay tiri Sara Kelany, oo ah madaxa socdaalka ee xisbiga Brothers of Italy, shir jaraa'id oo ay qabatay.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Cimilada COP30
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo si rasmi ah loogu caleemo saaray musharraxa xisbigiisa ee doorashada
3 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo milatari oo laga fuliyey Soomaaliya
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka muhiimka ah ee cimilada (COP30) ee Brazil