CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Shirweynaha Saddexaad ee Maamulka Internet-ka Soomaaliya oo ka Furmay Muqdisho
Shirka waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka kala socday dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.
Shirweynaha Saddexaad ee Maamulka Internet-ka Soomaaliya oo ka Furmay Muqdisho
Raysal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daahfuray shirweynaha saddexaad ee Maamulka Internet-ka Soomaaliya
5 Nofeembar 2025

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa Talaadadii daahfuray Shirweynaha Maamulka Internet-ka Soomaaliya 2025 (SIGF 2025), oo ah sannadkii saddexaad ee shirkan lagu qabto magaalada Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay munaasabadda furitaanka, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu adkeeyay muhiimadda midnimada qaranka, wuxuuna carrabka ku dhuftay baahida loo qabo nidaam wadaag ah oo maamulka dijitaalka ah ah si loo sameeyo siyaasad dhijitaal oo mideysan oo shacabka oo dhan anfaca. Wuxuu shirkadaha internet-ka ugu baaqay inay bulshada u fududeeyaan helitaanka adeegyada, isla markaana ay ka fogaadaan tartan aan caafimaad qabin oo carqaladeyn kara horumarka guud ee dalka.

“Shirka Maamulka Internet-ka waa inuu soo saaraa natiijooyin wax ku ool ah oo lagu soo bandhigi karo doodaha tignoolajiyada caalamiga ah. Dalalka kale internet-ka waa la nidaamiyaa—lama isticmaali karo iyada oo aan sharci jirin. Waxaa jira sharciyo lagu ciqaabo kuwa ku xadgudba. Nasiib darro, dadkeenna waxay internet-ka u isticmaaleen si ka duwan adduunka intiisa kale, waana waajibkeenna inaan saxno arrintaas,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Sidoo kale, munaasabadda ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyo mas’uuliyiin kale oo ammaanay horumarka laga sameeyay dhanka kaabayaasha dijitaalka iyo maamulka internet-ka.

Shirka waxaa kasoo qaybgalay wakiillo ka kala socday dowladda, shirkadaha isgaarsiinta, jaamacadaha, bangiyada, iyo ururada bulshada rayidka ah.

Shirweynaha Maamulka Internet-ka Soomaaliya (SIGF) waa madal sannadle ah oo si wadajir ah u abaabulaan hay’adaha dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay, jaamacadaha, iyo bulshada rayidka ah, si ay uga wada hadlaan maamulka internet-ka iyo isbeddelka dhijitaalka ah ee dalka, iyadoo la xoojinayo iskaashiga iyo wacyigelinta dadweynaha ee horumarka dhijitaalka Soomaaliya.

Raadi Warar Kale
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee Cimilada COP30
Saraakiil Soomaaliyeed oo ka qalinjabiyay tababar ciidan oo heer sare ah oo lagu qabtay Uganda
Ku dhawaad 2,000 rayid ah oo ku barakacay gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan: IOM
Jabuuti: Madaxweyne Geelle oo si rasmi ah loogu caleemo saaray musharraxa xisbigiisa ee doorashada
3 sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgallo milatari oo laga fuliyey Soomaaliya
Soomaaliya oo ka qaybgalaysa shirka muhiimka ah ee cimilada (COP30) ee Brazil