Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa magaalada New York kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Baxreyn, Mudane Dr. Abdullatif bin Rashid Alzayani, intii lagu guda jiray kalfadhiga 80-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Baxreyn, iyadoo labada wasiir ay ka wada hadleen sida loo xoojin karo iskaashiga dhinacyo badan. Sidoo kale, waxay isla soo qaaday horumarrada caalamiga ah iyo arrimaha gobolka, iyaga oo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay isku-xirnaanta joogtada ah iyo wadatashiga si loo horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Wasiir Cabdisalaam ayaa Boqortooyada Baxreyn ugu hambalyeeyay xubin ka noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee xilliga 2026–2027, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay doorkan oo kaalin ka qaadanaya nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamkaba.