Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kulan gaar ah la yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Maraykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Allison Hooker, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka; Massad Boulos, La-Taliyaha Arrimaha Afrika ee Madaxweyne Donald Trump; iyo Mudane Vincent Spera, Ku-Xigeenka Kaaliyaha Arrimaha Afrika.
Kulankan ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka, iyadoo labada dhinac ay si wadajir ah uga wada hadleen arrimaha iskaashiga amniga, la-dagaallanka argagixisada, iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadista xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, kaas oo muhiim u ah horumarka iyo xasilloonida guud ee gobolka.