CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Khuburada QM oo ku baaqay in FIFA iyo UEFA ay Israa’iil ka joojiyaan tartamada caalamiga ah
Khuburada ayaa sheegay in hay'adaha isboortigu aysan iska indho-tiri karin xadgudubyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha, gaar ahaan marka madallahooda loo adeegsado in lagu caadiyeeyo caddaalad-darrada.
Khuburada QM oo ku baaqay in FIFA iyo UEFA ay Israa’iil ka joojiyaan tartamada caalamiga ah
Khubarada Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay FIFA iyo UEFA inay joojiyaan kooxda kubadda cagta ee Israa'iil. / AA
24 Sebteembar 2025

Khaburo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in Hey'adda Kubadda Cagta Adduunka (FIFA) iyo Xiriirka Kubadda Cagta Yurub (UEFA) ay xulka qaranka kubadda cagta ee Israa’iil ka joojiyaan tartamada caalamiga ah, iyagoo sheegay inay tahay "jawaab lagama maarmaan ah oo wax looga qabanayo xasuuqa socda ee ka dhanka ah dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto."

“Guddiga Baarista ee Qaramada Midoobay ee gacanta ku hayey baaritaanka ku saabsan Dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto, oo ay ku jirto Bariga Qudus, ayaa ku soo gabagabeeyay in Israaiil ay geysaneyso xasuuq. Tani waa mid ka mid ah hay'ado badan oo caalami ah oo xaqiijinaya in xasuuq uu socdo.”

Waxay xusuusiyeen in amarkii ku-meelgaarka ahaa ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee soo baxay 26-kii Janaayo, 2024, uu dal kasta xusuusiyay waajibkiisa sharci ee ah inuu ka hortago xasuuqa.

"Isboortigu waa inuu diido aragtida ah in wax walba ay sidii caadiga ahayd u socdaan," ayay yiraahdeen. "Hay'adaha isboortigu waa inaysan iska indho-tirin xadgudubyada waaweyn ee xuquuqda aadanaha, gaar ahaan marka madallahooda loo adeegsado in lagu caadiyeeyo caddaalad-darrada."

Khuburadu waxay caddeeyeen in baaqoodu uu beegsanayo dawladda Israa’iil ee uusan beegsanayn ciyaartoyda shakhsiyaadka ah, iyagoo yiri, "Waxaan mar walba aaminsannahay in shakhsiyaadku aysan qaadi karin cawaaqibka go'aannada ay dawladdoodu gaarto."

Dhanka kale waxay ku boorriyeen FIFA inay "joojiso sharciyeynta xaaladda ka dhalatay joogitaanka sharci-darrada ah ee Israa’iil ee Dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto," iyagoo adkeeyay, "Waxaa jira waajib sharci iyo mid anshaxeed oo ah in la qaado tallaabo kasta oo suurtagal ah si loo soo afjaro xasuuqa hadda ka socda Qaza."

XIGASHO:AA