CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Dowladda Soomaaliya oo Dalka ku Soo Celisay Muwaadiniin oo Laga Soo Daayay Xabsiyada Libya
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta talaadada dalka ku soo celisay 173 muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo laga soo daayay xabsiyada dalka Libya.
Dowladda Soomaaliya oo Dalka ku Soo Celisay Muwaadiniin oo Laga Soo Daayay Xabsiyada Libya
Dhallinyaradaan oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyey, sida ay ugu faraxsan yihiin in ay dalkooda Hooyo dib ugu soo laabtaan / Others
24 Sebteembar 2025

Diyaaradda sidday muwaadiniintan ayaa Muqdisho keentay 151 qof, oo intooda badan ah dhallinyaro, kuwaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Soo dhaweynta waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin: Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, mas’uuliyiin ka socota Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee u qaabilsan soo celinta muhaajiriinta iyo xuquuqda caruurta, Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Soomaaliyeed, Ergayga Gaarka ah ee Midowga Yurub, iyo wakiillo ka socday Hay’adda IOM oo ka gacan siiyey soo celinta muwaadiniintan.

22 qof oo ka mid ahaa muwaadiniintii la soo celiyey ayaa laga dejiyey magaalada Hargeysa, halka 151 kalena laga soo dejiyey Muqdisho.

Dhallinyarada la soo celiyey ayaa warbaahinta la hadlay, iyagoo muujiyey farxaddooda ku aaddan dib ugu soo laabashada dalkooda hooyo, islamarkaana u mahadceliyey dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay ka saarista xabsiyadii Libya iyo ka badbaadinta dhibaatooyinka nolosha ee ay la kulmeen.