CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dalalka Carabta oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo 'dagaalka xasuuqa ah' ee Israa’iil ee Qaza
Golaha GCC, Jaamacadda Carabta iyo Falastiin ayaa ku boorriyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tallaabo qaado, iyagoo ka digay masiibo bini'aadannimo oo baahsan.
Dalalka Carabta oo ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo 'dagaalka xasuuqa ah' ee Israa’iil ee Qaza
Safiirka Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobay, Riyad Mansour. / AP
24 Sebteembar 2025

Wadamada Carabta ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo waxa ay ugu yeereen "dagaalka xasuuqa ah" ee Israa’iil ay ka waddo Qaza, kaas oo ku dhowaad laba sano socda.

Dhaxal-sugaha Kuwait, Sheikh Sabah Khaled Al-Hamad Al-Sabah, oo ku hadlayay magaca Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC) intii lagu guda jiray fadhi furan oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka yeeshay Bariga Dhexe, ayaa sheegay in kulankani uu ku soo aaday mid ka mid ah waqtiyadii ugu madoobaa ee masiibada Qaza.

Wuxuu farta ku fiiqay burburka, go'doominta iyo dhimashada in ka badan 64,000 oo rayid ah, oo u badan haween iyo carruur.

Isagoo xaaladda Qaza ku tilmaamay "tusaale nool oo ah xasuuq iyo isir-sifeyn, iyo nabar furan oo aan la iska indho-tiri karin," wuxuu ku boorriyay Golaha inuu tallaabo qaado oo soo afjaro gardarrada, xaqiijiyo in gargaarka bini'aadannimo uu gaaro dadka, hadalkana ficil la raaciyo si loo ilaaliyo rayidka.

Wakiilka joogtada ah ee Masar u fadhiya Qaramada Midoobay, Osama Abdelkhalek, ayaa sheegay in Qaahira ay si joogto ah uga fogaanaysay xiisad abuurka inkastoo ay jireen daandaansi ka imaanayay dhanka Israa’iil, isagoo adkeeyay baahida degdegga ah ee loo qabo xabbad-joojin.

Safiirka Falastiin u fadhiya Qaramada Midoobay, Riyad Mansour, ayaa yiri: "Falastiiniyiintu ma ahan dad ka hooseeya aadanaha. Waxaan u qalannaa nolol, xorriyad, iyo sharaf. Waxashnimada ay Israaiil kula kacayso dadkeenna Qaza looma marmarsiyoon karo duruuf kasta." Mansour wuxuu raaciyay: "Maya xasuuq, maya dhac, maya barakicin qasab ah, maya gumeysi, maya goosasho dhuleed, maya qabsasho - badbaadiya Qaza. Badbaadiya Falastiin. Badbaadiya nabadda."

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul Gheit, ayaa isna u sheegay Golaha: "Waxa ka socda Qaza waa mid aan hore loo arag dhinaca naxariis-darrada iyo duur-joognimada. Laakiin hadafku waa cad yahay: in la burburiyo bulshada Falastiiniyiinta, dhulka oo dhanna laga dhigo mid aan lagu noolaan karin, laguna khasbo dadka inay cararaan."

Wuxuu ka digay in aqbalaadda qorshahaas ay wiiqi doonto sharciyadda Golaha Ammaanka. "Waxa ka dhacaya Qazakuma ekaan doonaan Qaza," ayuu yiri, isagoo ku baaqay tallaabo degdeg ah oo la taaban karo.

XIGASHO:AA