CAALAMKA
3 daqiiqo akhris
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo difaacaya asal-dhaladka Xildh. Ilhan Omar oo Trump uu weeraray
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa si toos ah u weeraray Ilhaan Cumar iyo Soomaaliya oo ah dalkii ay ka soo jeeday, isagoo hadallo xanaf leh ku qoray baraha bulshada, xilli ay ka socdaan xiisado siyaasadeed oo gudaha Mareykanka ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo difaacaya asal-dhaladka Xildh. Ilhan Omar oo Trump uu weeraray
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Fiqi, ayaa sheegay in weerarkii Trump ku qaaday Ilhaan Cumar oo ku salaysan dhaqankeeda Soomaaliyeed uu yahay mid aan la aqbali karin. / Ahmed Moallim Fiqi/Facebook
22 Sebteembar 2025

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi, ayaa difaacay asal-dhaladka Ilhaan Cumar oo ah xildhibaan ka tirsan Kongareeska Mareykanka, isaga oo sidoo kale ka hadlay madaxbannaanida iyo horumarka Soomaaliya, kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu si kulul u dhaleeceeyay.

Madaxweyne Trump ayaa hadallo liidid ah ka sheegay Soomaaliya, oo ah dalka ay asal ahaan ka soo jeedo Ilhaan Cumar, xilli uu ka hadlayay xiisadaha siyaasadeed ee gudaha Mareykanka ee la xiriira dilkii Charlie Kirk iyo kiis musuq-maasuq oo Medicaid ah oo ka dhacay Minnesota, oo ah gobolka ay Ilhaan ku matasho Kongareeska.

Ilhaan Cumar ayaa horey u dhaleeceysay aragtida siyaasiga midigta fog ee Charlie Kirk ee ku saabsan lahaanshaha hubka iyo midab-takoorka Mareykanka, halka Trump uu ammaanay Kirk kadib dilkiisii toddobaadkii hore. Trump ayaa sidoo kale isku dayay inuu Ilhaan ku xiro baaritaanka musuq-maasuq ee ka socda Minnesota.

“Dalka Ilhaan Cumar ee Soomaaliya waxaa ka jira maamul la’aan, saboolnimo joogto ah, gaajo, argagixiso soo laba kaclaysay, burcad-badeednimo, dagaallo sokeeye oo muddo dheer socday, musuq-maasuq, iyo rabshado baahsan. 70% dadka waxay ku nool yihiin saboolnimo daran, waxaana jira cunto yari baahsan,” ayuu Trump ku sheegay qoraal uu soo dhigay shabakaddiisa Truth Social.

‘Ilhaan waxay keentay sharaf’

Soomaaliya ayaa hadda ka jawaabtay hadalladaas iyadoo Wasiir Fiqi uu sheegay in aan la aqbali karin in Ilhaan lagu bartilmaameedsado asalkeeda Soomaalinimo, isaga oo ku tilmaamay hadallada Trump "isku day cad oo lagu eedeynayo" Ilhaan iyadoo loo adeegsanayo dalka ay ku dhalatay. Wuxuu sheegay in hadallada noocaas ah ay khatar ku yihiin kala-qeybsanaanta iyo sii hurinta aragtiyo xun oo waxyeello leh.

“Xildhibaan Ilhaan Cumar waa mas’uul Mareykan ah oo la soo doortay, waxaana lagu qiimeyn karaa waxqabadkeeda iyo mabaadi’deeda - ee maaha dalka ay ka soo jeedo,” ayuu Wasiir Fiqi ku yiri qoraal uu Axaddii ku daabacay bartiisa Facebook.

“Dhanka siyaasadda dalka Mareykanka, taas annaga nama khusayso. Balse haddii walaasheen lagu bartilmaameedsanayo qowmiyaddeeda darteed, markaas si adag ayaan u garab taaganahay. Waxay magaceeda iyo meesha ay asal ahaan ka soo jeedo u keentay sharaf weyn,” ayuu Fiqi ku daray.

Ilhaan Cumar waxay 1982-dii ku dhalatay magaalada Muqdisho, Soomaaliya, kahor inta aysan u guurin Mareykanka si ay u noqoto muwaadin Mareykan ah oo ku biirta siyaasadda. Waxay had iyo jeer sheegtaa inay ku faanto asalkeeda Soomaaliyeed.

‘Soomaaliya horay ayay u socotaa’

Wasiir Fiqi ayaa ammaanay guusha ay Ilhaan ku gaartay siyaasadda iyo doorka ay Soomaalida qurbaha ku nool ku leeyihiin horumarka. “Soomaalidu waa dad sharaf leh, oo leh taariikh dheer; meel kasta oo ay ku nool yihiin, waxay ka tagaan raad muuqda oo dunida laga aqoonsado. Haa, waxaa jiri kara kuwo aan ku faraxsaneyn taas,” ayuu yiri.

“Xildhibaan Ilhaan waa tusaale wanaagsan, waa haweeney dhalinyaro ah oo ku guuleysatay kartideeda. Fikradaha iyo aaminsanaanteeda ma wada qancin karaan qof walba, sida kuwa kale oo aragtiyo kala duwan ama xitaa kuwa xagjir ah leh. Laakiin taas darteed, looma eedeyn karo dalka ay ku dhalatay,” ayuu Fiqi ku daray.

“Soomaaliya waa dal madax-bannaan, dal horumaraya, sida dalalka kale oo dhan oo u hamuun qaba inay horumar gaaraan. Waxay leedahay kursi ku yaalla Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna ku howlan tahay sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha badan ee horyaalla,” ayuu Wasiirka Soomaaliya ku adkeystay.

Difaacidda Wasiir Fiqi ee Ilhaan iyo asalkeeda Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu dhex faafay baraha bulshada Soomaaliyeed iyo qurbajoogta, kuwaas oo badankood u arka Ilhaan inay tahay astaan adkeysi iyo matalaad.

XIGASHO:TRT Afrika