CAALAMKA
2 daqiiqo akhris
Dowladda Federalka Soomaaliya oo cambaareysay iskuday lagu weeraray saldhigga booliska Warta Nabadda
Dowladdu waxay ugu baaqday dhammaan siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka inay ka waantoobaan ficillada noocan oo kale ah ee wiiqaya xasilloonida, isla markaana ay si buuxda u ixtiraamaan dastuurka iyo sharciga dalka.
Dowladda Federalka Soomaaliya oo cambaareysay iskuday lagu weeraray saldhigga booliska Warta Nabadda
Dowladda Federalka Soomaaliya oo cambaareysay iskuday lagu weeraray saldhigga booliska Warta Nabadda / Others
25 Sebteembar 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay isku day hubeysan oo ay siyaasiyiin ku doonayeen inay qabsadaan saldhigga booliska Warta Nabadda ee Muqdisho, iyadoo ku tilmaamtay ficilkaas khatar toos ah oo lagu hayo amniga qaranka iyo kala dambeynta bulshada.

Warsaxaafadeed rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu muujiyay walaac weyn oo ku aaddan siyaasiyiinta doonaya inay adeegsadaan awood, kuwaas oo rabshad abuuray, iyagoo dhaawacaya danaha shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ee u taagan difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka xun tahay in siyaasiyiin ku haminaya qabashada talada dalka ay isku dayaan inay daadiyaan dhiigga shacabka iyo kan Ciidamada Qalabka Sida ee ku hawlan difaaca dalka iyo dagaalka looga soo horjeedo argagixisada.,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladdu waxay masuuliyadda dusha ka saartay cid kasta oo ku lug lahayd wiiqidda awoodda qaranka, khalkhal gelinta amniga shacabka iyo jebinta sharciga dalka.

“Dawladda Soomaaliya waxay caddeyneysaa in wixii maanta ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda ay masuuliyaddiisa qaadayaan xubnihii sida bareerka ah ugu xad-gudbay jiritaanka dawladnimada, amniga, kala dambeynta iyo shuruucda dalka.,” ayaa lagu xusay bayaanka.

Dowladdu waxay ugu baaqday dhammaan siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka ku lug leh inay ka waantoobaan ficillada noocan oo kale ah ee wiiqaya xasilloonida, isla markaana ay si buuxda u ixtiraamaan dastuurka iyo sharciga dalka.

Iyadoo mar kale adkaysay go’aankeeda ku aaddan ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta, dowladda Federaalka ayaa sheegtay inay sii wadi doonto ilaalinta badqabka shacabka iyo amniga hay’adaha dowladda, isla markaana caddaaladda horkeeni doonto cid kasta oo khatar ku ah amniga qaranka.

XIGASHO:Others