Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallim (Soomaali), ayaa si rasmi ah u saxiixay dhammaan heshiisyada iyo shuruucdii wax-ka-beddelka lagu ansixiyey Shirweynihii 28-aad ee Ururka Boostada Adduunka (UPU), oo lagu qabtay magaalada Dubai.
Tallaabadan ayaa markhaati u ah ka-go’naanta Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta heshiisyada caalamiga ah ee boostada, iyada oo qeyb ka ah istiraatiijiyadda dowladda ee ku wajahan casriyeynta adeegyada boostada iyo gaarsiinta (courier), si kor loogu qaado ganacsiga, e-commerce-ka, iyo dhaqaalaha bulshada.
Heshiisyada uu saxiixay Wasiir Maxamed Soomaali waxaa ka mid ah:
- In Soomaaliya door muuqda ka qaadato bulshada boostada caalamiga ah.
- In adeegyada boostada gudaha loo qaabeeyo si ay ula jaanqaadaan nidaamka iyo heerarka caalamiga ah.
- In la dardargeliyo qorshaha dowladda ee horumarinta adeegyada dhijitaalka iyo isku xirka bulshada.
Go’aankan ayaa ka mid ah guulaha diblomaasiyadeed iyo farsamo ee dowladda Soomaaliya, isagoo muujinaya hoggaamin iyo ka-qaybgal firfircoon oo ku wajahan isbeddellada ka socda bulshada boostada caalamiga.