Madaxweynaha Chad, Mahamat Idriss Deby Itno, ayaa jinsiyadda kala noqday laba dhaqdhaqaaqe oo fadhigoodu yahay Faransiiska, kuwaas oo si weyn uga soo horjeeda xukuumaddiisa, isagoo ku eedeeyay inay "la shaqeeyaan quwado shisheeye."
Deby wuxuu Arbacadii soo saaray digreeto uu labadan qof ee fadhigoodu yahay Faransiiska ku eedaynayo "basaasnimo lala sameeyay quwado shisheeye" iyo "hawlo aan waafaqsanayn" heerka muwaadin reer Jaad ah.
Dhaqdhaqaaqaha Charfardine Galmaye Saleh, oo maamula bogga caanka ah ee Tchad One, ayaa si joogto ah u dhaleeceeya xukunka Deby ee dalka. Halka Makaila N'Guebla lagu yaqaanay inuu ahaa nin kasoo horjeeday aabaha Deby, Idriss Deby, kaas oo xukumayay Chad in ka badan 30 sano ilaa uu geeriyooday 2021.
Kala-guurka dimuqraadiyadda
N'Guebla wuxuu noqday la-taliye dhanka xuquuqul insaanka ah ee madaxtooyada xilligii Deby-ga hadda xilka haya intii lagu jiray marxaladdii kala-guurka, kahor inta uusan u guurin Faransiiska uuna halkaas ka sii wadin dhaleeceyntiisa ka dhanka ah xukuumadda Jaad.
Bogga Tchad One ayaa goor dambe oo Arbacadii ah ku tilmaamay ka qaadista dhalashada labadan nin mid "wax lagu qoslo oo aan macquul ahayn."
Deby waxaa madaxweyne kumeelgaar ah u magacaabay saraakiisha ciidanka kadib markii aabbihii lagu dilay dagaal dhexmaray isaga iyo kooxo fallaago ah.
Wuxuu ballanqaaday 18 bilood oo lagu gaarayo dimuqraadiyad, laakiin wuxuu ku daray laba sano oo kale.
Kadib markii dastuur cusub lagu ansixiyay afti dadweyne bishii Diseembar 2023, Deby waxaa loo doortay madaxweyne bishii Maajo 2024, doorasho oo ay qaar ka mid ah goobjoogayaasha caalamiga ahi sheegeen inaysan ahayn mid lagu kalsoonaan karo.