CAALAMKA
1 daqiiqo akhris
Trump: Mareykanka wuxuu ka shaqayn doonaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda Suudaan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu "bilaabi doono" ka shaqaynta soo afjaridda dagaalka Suudaan, kadib markii Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salman uu ka codsaday inuu ka caawiyo soo afjaridda colaadda.
Trump: Mareykanka wuxuu ka shaqayn doonaa sidii loo soo afjari lahaa colaadda Suudaan
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu bilaabi doono xallinta dagaalka Suudaan. Sawirka: AP
15 saacadood ka hor

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay inuu bilaabi doono "ka shaqaynta" soo afjaridda dagaalka Suudaan, ka dib markii Amiirka Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, uu ka codsaday inuu ka caawiyo soo afjaridda colaadda.

Tan iyo markii uu ka qarxay Abriil 2023, dagaalka u dhexeeya ciidanka Suudaan iyo maleeshiyaadka RSF ayaa dilay tobanaan kun oo qof isla markaana barakiciyey ku dhawaad 12 milyan.

Washington ayaa ku boorrisay dhinacyada dagaalamaya inay dhameystiraan heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka, halka wakiilka Trump u qaabilsan Afrika, Massad Boulos, uu Sabtidii u sheegay AFP in dagaalka Suudaan uu yahay "masiibada bini'aadantinimo ee ugu weyn caalamka". Haseyeeshee Trump ayaan si muuqata uga hadlin arrinta, isaga oo diiradda saaray dagaallada Qaza iyo Ukraine.

Trump ayaa ku celceliya sheegashadiisa ah inuu xalliyey siddeed khilaaf tan iyo markii uu xafiiska ku soo laabtay bishii Janaayo.

Ballanqaadkiisa ah inuu bilaabo ka shaqaynta soo afjaridda colaadda ayaa ka turjumaysa xiriirka dhow ee uu la leeyahay hogaamiyaha Sacuudiga, kaasoo uu ku martigeliyey Aqalka Cad Talaadadii.

XIGASHO:AFP
Raadi Warar Kale
Putin oo Kremlinka kula kulmaya Madaxweynaha Togo Gnassingbé si loo xoojiyo xiriirka labada dal
Madaxweynaha Nayjeeriya Tinubu oo xaqiijiyay in Taliye Ciidan lagu dilay weerar gaadmo ah
Taliyaha ciidamada Nigeria ayaa amray in har iyo habeen la baadi-goobo gabdho laga afduubtay iskuul
In ka badan 100,000 qof oo ka barakacay Al Fasher tan iyo markii RSF la wareegtay magaalada
DRC: Wasiir iyo rakaab ka badbaaday diyaarad ku gubatay runweyga garoonka
Turkigu wuxuu sii wadayaa gargaarka Qaza inkastoo Israa’iil ay waddo carqaladeyn: Erdogan
Ciidanka Suudaan oo ka hortagay weerar culus oo RSF ku qaaday Galbeedka Kordofan
DRC Kongo iyo M23 oo heshiis nabadeed oo 'taariikhi ah' ku saxiixday dalka Qatar
Turkiga oo soo dhoweeyay heshiiska nabadeed ee Dowladda DRC iyo fallaagada M23
Ciidamada Israa’iil oo wiil dhallinyaro Falastiini ah ku toogtay weerar ay ku qaadeen Daanta Galbeed
Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiiska kootada Xajka 1447
Kenya: In ka badan 200 oo Muwaadiniinteenna ah ayaa ku biiray Ciidamada Ruushka ee Dagaalka Ukraine
Midowga Afrika iyo QM oo adkeeyay iskaashigooda istiraatiijiga ah ee nabadda, amniga, iyo horumarka
Mareykanka oo ansixiyay iib milatari oo gaaraya $330 milyan oo Taiwan loogu talagalay
Soomaaliya oo tacsi u dirtay Turkiga kadib shilkii diyaaradeed oo khasaaraha geystay
Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo Wasiirrada Dastuurka ee Dowlad Goboleedyada oo Kulmay
Wasaaradda Caafimaadka Qaza: In ka Badan 6,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa ku naafoobay dagaalka
Soomaaliya iyo Algeria oo garab istaagay Falastiin iyo Suudaan, kalana saxiixday iskaashi ballaaran
Madaxweynaha DRC oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya
In ka badan 20 dal oo cambaareeyay xadgudubyada RSF ee Suudaan, kuna baaqay joojinta rabshadaha