Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ku soo dhoweeyay Jeneraal Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare, oo horey u soo noqday Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), haddana ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta kaalinta Ciidanka Xoogga Dalka ee iskaashiga caalamiga ah ee la-dagaallanka argagixisada, iyadoo la falanqeeyay sida loo adkeyn karo wada-shaqeynta lala yeesho dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah si loo xaqiijiyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.
Jeneraal Tuuryare ayaa Taliyaha Ciidanka ku war-geliyay howlaha iyo qorsheyaasha IMCTC, isagoo xusay dadaallada ururka uu ku xakameynayo faafinta fikradaha xagjirnimada iyo sidii loo jari lahaa marinada maaliyadeed ee ay taageerada ka helaan kooxaha argagixisadu.
Tani waxay qayb ka tahay istiraatiijiyadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta amniga, nabadda iyo xasilloonida, iyada oo la ballaarinayo iskaashiga caalamiga ah ee lagula dagaallamayo khataraha argagixisada.
Waxaa la isla gartay in wada-shaqeynta noocan oo kale ah ay muhiim u tahay dhismaha awood ciidan oo Soomaaliyeed oo hufan, isla markaana leh taageero caalami ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal ammaan ah oo ay ku naaloodaan dadka Soomaaliyeed iyo bulshada gobolka oo dhan.