Hawlgalkan ayaa ahaa mid si wadajir ah ay u fuliyeen Hay'adda Sirdoonka Qaranka (MIT), Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Istanbul, iyo Waaxda Booliska Istanbul.
Saraakiishu waxay mid ka mid ah eedeysanayaasha ku magacaabeen Serkan Çiçek, kaas oo lagu eedeeyay inuu si toos ah ula shaqeeyay Mossad, halka qareen Tuğrulhan Dip lagu eedeeyay inuu xog ka iibiyay baareyaal xiriir la leh sirdoonka Israa’iil.
Ka dib markii ay su'aalo weydiiyeen xeer-ilaaliyeyaashu, labadoodaba waxaa loo gudbiyay maxkamad, taasoo amartay in la sii hayo iyagoo lagu soo oogay dacwadda ah "helidda xog sir ah oo dawladeed oo loo adeegsanayo basaasnimo siyaasadeed ama mid militari."
Mas'uuliyiinta ayaa sheegay in Çiçek, oo sidoo kale loo yaqaan Muhammet Fatih Keleş, uu maamulo shirkad baarid oo gaar loo leeyahay, uuna magaalada Istanbul dabagal ugu sameeyay dhaqdhaqaaqe u dhashay Falastiin, codsi uga yimid sarkaal ka tirsan Mossad, isagoo howshaas ku qaatay lacag dhan $4,000 oo lagu baxshey lacagaha 'cryptocurrency'.
Qareen Dip ayaa isna la sheegay inuu baareyaasha siiyay xog shakhsiyeed uu ka soo saaray diiwaannada dadweynaha si uu lacag u helo, uuna caawiyey Çiçek iyo basaasiin kale.
Çiçek wuxuu hore ula soo shaqeeyay Musa Kuş, oo lagu xukumay 19 sano oo xabsi ah dembi basaasnimo oo uu u sameeyay Israaiil.

















