Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa Isniinta booqan doona dalka Masar si uu uga qaybgalo Shir Madaxeedka Nabadda ee Sharm el-Sheikh, kadib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi, iyo Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, sida uu sheegay Madaxa Isgaarsiinta Turkiga, Burhanettin Duran.
Axaddii, Duran wuxuu bartiisa X ku qoray: "Madaxweynaheenna waxaa qorshaysan inuu khudbad ka jeediyo shirka, uuna wadatashiyo la yeesho hoggaamiyeyaasha dalalka ka soo qaybgalaya."
In ka badan 20 hoggaamiye oo caalamka ah ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shirkan, oo ay si wadajir ah u guddoomin doonaan Sisi iyo Trump.
Dhexdhexaadiyeyaasha oo kala ah Maraykanka, Masar, Qatar iyo Turkiga ayaa la filayaa inay shirka Qaza ku saxiixaan dokumenti dammaanad qaad ah, sida ay ilo diblomaasiyadeed u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.
Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Sabtidii u sheegay AFP in kooxdu aysan ka qayb qaadan doonin saxiixa rasmiga ah ee heshiiska nabadda ee Qaza ee Masar. Israa’iil sidoo kale ma diri doonto wakiil shir madaxeedka nabadda. "Ma jiro sarkaal Israaiili ah oo ka soo qaybgeli doona," ayay Shosh Bedrosian, oo ah afhayeen u hadashay Ra'iisul Wasaaraha Israa’iil, u sheegtay AFP Axaddii.
Ka sokow Erdogan, ka qaybgalayaasha waxaa ka mid noqon doona Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Boqorka Urdun Cabdalla, Boqorka Baxrayn Xamad bin Ciise Al Khaliifa, Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, Ra'iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez, Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Ra'iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif, Hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz, iyo Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian.
Masar waxay sheegtay in shirkan looga gol leeyahay "in lagu soo afjaro dagaalka Qaza, lagu xoojiyo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, loona guda galo weji cusub oo amni iyo xasillooni goboleed ah."
Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Israaiil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen wejigii koowaad ee qorshihiisa oo ka kooban 20 qodob oo lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad-joojin Qaza. Wejigii koowaad wuxuu dhaqan galay Jimcihii.
Tan iyo Oktoobar 2023, weerarada Israa’iil ee Qaza waxay ku dileen in ka badan 67,600 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, taasoo marinka Qaza ka dhigtay mid aan la noolaan karin.

















