TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Erdogan iyo madax kale oo gaaray Masar si ay uga qaybgalaan shir madaxeedka nabadda ee Qaza
Madaxweyne Erdogan waxa uu Sharm el-Sheikh ku yimid casuumaad ka timid Madaxweynaha Masar Cabdulfataax al-Sisi.
Erdogan iyo madax kale oo gaaray Masar si ay uga qaybgalaan shir madaxeedka nabadda ee Qaza
Erdogan iyo madax kale oo gaaray Masar si ay uga qaybgalaan shir madaxeedka nabadda ee Qaza / AP
13 Oktoobar 2025

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa gaaray dalka Masar si uu uga qaybgalo shir madaxeed nabadeed oo la qorsheeyay inuu ka dhaco magaalada Sharm el-Sheikh ee ku taalla Badda Cas.

Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa Isniintii soo dhoweeyay Erdogan, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda Masar ee Al Qahera.

Wafdiga Madaxweyne Erdogan waxaa ku weheliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Hakan Fidan, Madaxa Sirdoonka (MIT) Ibrahim Kalin, Madaxa Isgaarsiinta Burhanettin Duran, iyo La-taliyaha Sare ee Siyaasadda Dibadda Akif Cagatay Kilic.

Madaxweynaha Turkiga ayaa la filayaa inuu ka qaybgalo xafladda saxiixa "Heshiiska Sharm el-Sheikh" uuna la yeesho wadatashiyo hoggaamiyeyaasha kale inta uu shirku socdo.

Hoggaamiyeyaal kale oo Caalami ah oo ka Qaybgalaya

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, Hoggaamiyaha Jarmalka Friedrich Merz, Ra'iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, iyo Ra'iisul Wasaaraha Canada Mark Carney ayaa sidoo kale ka mid ah madaxda timid.

Sidoo kale, waxaa goobjoog ah Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Boqorka Urdun Cabdalla II, Boqorka Baxrayn Xamad bin Ciise Al Khaliifa, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas, Madaxweynaha Indonesia Prabowo Subianto, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sucuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, iyo Guddoomiyaha FIFA Gianni Infantino.

In ka badan 20 hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan shirka, oo ay si wadajir ah u guddoomin doonaan Madaxweyne Sisi iyo dhiggiisa Maraykanka, Donald Trump.

Israa’iil iyo Xamaas lagama filayo inay ka soo qaybgalaan shirka.

Dejinta Hannaan Maamul oo cusub oo Qaza yeelato

Masar waxay sheegtay in shirkan looga gol leeyahay "in lagu soo afjaro dagaalka Qaza, lagu xoojiyo dadaallada nabadda iyo xasilloonida Bariga Dhexe, loona guda galo weji cusub oo amni iyo xasillooni goboleed ah."

Trump ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Israa’iil iyo Xamaas ay ku heshiiyeen wejigii koowaad ee qorshe 20 qodob ka kooban oo uu soo bandhigay 29-kii Sebteembar, kaas oo lagu doonayo in lagu hirgeliyo xabbad-joojin Qaza, laguna sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iil iyadoo lagu beddelanayo ku dhawaad 2,000 oo maxbuus Falastiini ah, iyo in si tartiib-tartiib ah ciidamada Israaiil ay uga baxaan marinka oo dhan.

Wejiga labaad ee qorshaha ayaa qeexaya in la dhiso hannaan maamul oo cusub oo Qaza yeelato, la sameeyo ciidan amni oo ka kooban Falastiiniyiin iyo ciidamo ka socda dalalka Carabta iyo Islaamka, iyo in la hub-ka-dhigo Xamaas.

Tan iyo Oktoobar 2023, weerarada Israaiil waxay ku dileen in ka badan 67,800 oo Falastiiniyiin ah oo ku sugan Qaza.

XIGASHO:TRT World