TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Trump oo uga mahadceliyay Erdogan dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta xabbad-joojinta Qaza
Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in Madaxweyne Erdogan "uusan marnaba hoojin," isagoo ku tilmaamay "mid cajiib ah" uguna mahadceliyay saaxiibtinimadooda soo jireenka ah.
Trump oo uga mahadceliyay Erdogan dadaalkiisa ku aaddan xaqiijinta xabbad-joojinta Qaza
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa u mahadceliyay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan / AA
14 Oktoobar 2025

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa uga mahadceliyay dhiggiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, kaalintii uu ka geystay dhexdhexaadinta xabbad-joojinta Qaza.

"Ninkan ka socda meel (dalka) la yiraahdo Turkiga wuxuu leeyahay mid ka mid ah ciidamada ugu awoodda badan adduunka. Runtii aad ayuu uga awood badan yahay sida uu muujiyo," ayuu yiri Trump Isniintii, isagoo ay dhinacyada ka fadhiyeen madaxweynaha Turkiga iyo hoggaamiyeyaasha Masar iyo Qatar intii lagu guda jiray xafladda saxiixa ee Sharm el Sheikh.

"Waa nin adag, laakiin wuxuu ahaa saaxiibkay, mar kasta oo aan u baahdana wuu i garab istaagay. Sidaa darteed, waxaan rabaa inaan u mahadceliyo Madaxweyne Erdogan ee Turkiga," ayuu raaciyay Trump.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in Erdogan "uusan marnaba hoojin," isagoo ku tilmaamay "mid cajiib ah" uguna mahadceliyay saaxiibtinimadooda soo jireenka ah.

Masar waxay sheegtay in shir-madaxeedka ay martigelinayso uu higsanayo "in lagu soo afjaro dagaalka Qaza, lagu xoojiyo dadaallada nabadda iyo xasiloonida Bariga Dhexe, loona gogol-xaaro waa cusub oo ammaan iyo degganaansho goboleed leh."

Heshiiska Xabbad-joojinta Qaza

Wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta Qaza ayaa dhaqan galay Jimcihii, kaasoo ku saleysan qorshaha Trump ee lagu soo afjarayo dagaal labo sano qaatay oo Israa'iil ku haysay marinka.

Isniintii, Xamaas iyo Israa'iil waxay is-dhaafsadeen maxaabiis, taasoo lagu sii daayay boqollaal maxbuus oo Falastiini ah oo ku xirnaa xabsiga militariga ee Ofer iyo xabsiyo kale oo ku yaal Saxaraha Negev.

Sidoo kale waxaa la sii daayay dhammaan 20-kii la hayste ee Israa'iil ee noolaa.

Trump wuxuu sheegay in ay u socdaan dadaallo sidii loo heli lahaa meydadka la haystayaashii ku dhintay maxaabiisnimada.

"Waxay raadinayaan meydad. Way yaqaaniin goobaha, kooxaha baadi-goobkuna way ku jiraan hawsha, waxayna kala shaqaynayaan Israa'iil, waxayna heli doonaan tiro badan oo ka mid ah," ayuu yiri.

Tan iyo bishii Oktoobar 2023, weerarrada Israa'iil waxay Qaza ku dileen in ka badan 67,800 oo Falastiiniyiin ah, oo u badan haween iyo carruur, taasoo ka dhigtay marinka mid aan inta badan la degi karin.