Dalalka Masar, Qatar, iyo Turkiga ayaa Isniintii la saxiixday Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, dukumenti ku saabsan heshiiska xabbad-joojinta Qaza, kaas oo ka dhacay shir-madaxeed caalami ah oo ay Masar ku martigelisay magaalada dalxiiska ee Sharm el-Sheikh ee Badda Cas.
Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay "maalin weyn oo u soo hoyatay Bariga Dhexe," isaga iyo hoggaamiyeyaasha gobolka oo saxiixay baaq loogu talagalay in lagu adkeeyo xabbad-joojinta Qaza, saacado kadib markii Israa'iil iyo Xamaas ay is-dhaafsadeen maxaabiis.
"Tani waa maalin weyn oo usoo hoyatay adduunka, waa maalin weyn oo usoo hoyatay Bariga Dhexe," ayuu yiri Trump iyadoo in ka badan labaatan hoggaamiye oo caalamka ah ay u fadhiyeen shirka. "Dukumentigu wuxuu qeexi doonaa shuruuc iyo xeerar iyo waxyaabo kale oo badan," ayuu yiri Trump ka hor inta uusan saxiixin, isagoo laba jeer ku celceliyay "inuu sii jiri doono [heshiisku]."
"Tani waa maalin weyn oo usoo hoyatay adduunka, waa maalin weyn oo usoo hoyatay Bariga Dhexe," ayuu yiri Trump iyadoo in ka badan labaatan hoggaamiye oo caalamka ah ay u fadhiyeen shirka. "Dukumentigu wuxuu qeexi doonaa shuruuc iyo xeerar iyo waxyaabo kale oo badan."
Shirka dib-u-dhiska Qaza
Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu uu martigelin doono shir ku saabsan dib-u-dhiska Qaza.
"Masar waxay la shaqayn doontaa Mareykanka, iyadoo la kaashanaysa saaxiibbada kale maalmaha soo socda, si loo dhigo aasaaska dib-u-dhiska Qaza, waxaana naga go'an inaan martigelino shir ku saabsan soo-kabashada, dib-u-dhiska, iyo horumarinta," ayuu yiri.
Sisi wuxuu sidoo kale sheegay in heshiiska Qaza uu "soo xirayo cutub xanuun badan oo ka mid ah taariikhda aadanaha, uuna furayo waa cusub oo nabad iyo xasilooni leh" oo u bilaabanaya Bariga Dhexe. Wuxuu intaas ku daray in ay tahay "maalin taariikhi ah" oo nabadda u horseedaysa, una gogol-xaaraysa xalka laba-dawladood.

















