TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Turkiga oo magacaabay isu-duwaha gargaarka bani’aadantinimo ee Falastiin
Turkiga ayaa dadaal adag ugu jira sidii si degdeg ah Qaza loo gaarsiin lahaa gargaar bani’aadantinimo, loo dhiso hoy ku meel gaar ah, loona bilaabo dib-u-dhiska marinka Falastiin.
Turkiga oo magacaabay isu-duwaha gargaarka bani’aadantinimo ee Falastiin
Turkiga oo u magacaabay Dajire Mehmet Güllüoglu inuu noqdo Isu-duwaha Gargaarka Bani’aadantinimo ee Falastiin / AA
16 Oktoobar 2025

Danjire Mehmet Güllüoglu ayaa loo magacaabay Isu-duwaha Gargaarka Bani’aadamnimada ee Falastiin si uu u maamulo hawlaha gargaarka bani’aadamnimada ee Qaza, isagoo goobta ku sugan, isla markaana hubinaya isku-xirka hay’adaha ay khuseyso iyo mas’uuliyiinta maxalliga ah.

Güllüoglu wuxuu kormeer ku sameyn doonaa si uu u ogaado sahayda gargaarka bani’aadamnimada iyo mudnaanta loo baahan yahay ee Qaza, wuxuuna la shaqeyn doonaa hay’adaha Qaramada Midoobay isagoo taageeraya hawlahooda gudaha Qaza. Sidoo kale, wuxuu hubin doonaa in sahayda laga soo diro Turkiga si hufan loogu gaarsiiyo dadka u baahan ee Qaza, isagoo iska kaashanaya hay’adaha Turkiga ee goobta ka hawlgala. Intaa waxaa dheer, wuxuu la tashan doonaa mas’uuliyiinta maxalliga ah ee ku saabsan gargaarka loo sii marinayo Masar iyo Urdun, wuxuuna xoojin doonaa taageerada caafimaadka ee Turkiga u fidiso Qaza, oo ay ku jiraan daadgureynta bukaannada.

Gargaarka Bani’aadamnimada ee Turkiga ee Qaza

Turkiga wuxuu leeyahay dhaqan adag oo ku saabsan bixinta gargaarka bani’aadamnimada. Isagoo ku yaalla gobol ay ka jiraan colaado firfircoon iyo kuwo qabow, musiibooyin dabiici ah, iyo barakac ballaaran, Turkiga wuxuu si degdeg ah u caawiyaa dadka u baahan meelo badan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalka deriska ah sida Falastiin iyo Suuriya, iyadoon loo eegin luqadda, diinta, jinsiyadda, ama jinsiga.

Tan iyo markii ay bilowdeen weerarrada Israa’iil, Turkiga wuxuu ka mid ahaa dalalka ugu badan ee gargaar bani’aadanimo gaarsiiyay Qaza. Xaaladdan, Turkiga wuxuu tan iyo bishii Oktoobar 2023 u diray Qaza 102,000 oo tan oo gargaar bani’aadamnimo ah oo loo mariyay badda iyo hawada.

Xabbad-joojinta Qaza waxay fursad siisay in la gaarsiiyo gargaar bani’aadamnimo oo waara oo ku filan. Iyada oo qayb ka ah dadaallada gargaarka ee Qaza, Turkiga wuxuu 14-kii Oktoobar 2025 ka diray dekedda Mersin markab sida qiyaastii 865 tan oo gargaar bani’aadamnimo ah oo ku wajahan dekedda El Arish ee Masar.

XIGASHO:AA