Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Arbacadii ka qaybgalay munaasabad lagu xusayay sannadguuradii 102-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Turkiga, taas oo lagu qabtay safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho.
Isagoo khudbad ka jeedinayay munaasabadda, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in maalintani ay tahay maalin ay shacabka Soomaaliyeed farxadda la wadaagayaan walaalahooda Turkiga, isagoo carabka ku adkeeyay xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal.
“Xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga waxaa lagu gartaa lixdan sano oo saaxiibtinimo, iskaashi iyo wada-shaqayn ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Wuxuu intaas ku daray in Maalinta Jamhuuriyadda Turkigu ay leedahay muhiimad taariikhi ah, isagoo ammaanay geesinimadii iyo hoggaamintii Mustafa Kemal Atatürk, aasaasihii Jamhuuriyadda casriga ah ee Turkiga, oo aragtidiisu ay weli dhiirrigeliso quruumo badan oo dunida ah.
“Maalintan waa maalin aan la wadaagno walaalaheenna Turkiga, waa maalin aan ku xusno geesinimada iyo halgankii hormuudkeenna Mustafa Kemal Atatürk, oo aasaasay Jamhuuriyad casri ah oo dhiirrigelisay dunida oo dhan,” ayuu raaciyay.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah iyo walaaltinimada u dhaxaysa Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo dib u xusuusiyay booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan uu ku yimid Muqdisho bishii Agoosto 2011, xilli Soomaaliya ay ku jirtay xaalad adag oo ay ka jireen abaar iyo amni darro.
Wuxuu tilmaamay in sannadguuradan ay fursad u tahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ganacsiga, amniga, dhaqanka, waxbarashada iyo xiriirka shacabka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, isagoo sheegay in gargaarkaas uu door weyn ka ciyaaray geeddi-socodka xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.
Munaasabadda lagu qabtay Muqdisho ayaa markale muujisay saaxiibtinimada iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee mideeya Soomaaliya iyo Turkiga, kuna dhisan ixtiraam iyo himilo wadaag ku salaysan nabad iyo horumar.


















