Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah dib ugu furay saddex waddo oo muhiim ah oo loogu talagalay socodka iyo kobaca dhaqaalaha caasimadda, kuwaas oo muddo xirnaa sababo la xiriira dhanka amniga.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo ay Dowladda Hoose ku doonayso in lagu fududeeyo socodka dadweynaha iyo gaadiidka.
Munaasabad ballaaran oo lagu daah-furayay waddooyinka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin sarsare oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Liibaan Cabdiraxmaan Aadan, iyo Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Gaashaanle Sare Macalin Mahdi.
Waddooyinka la furay oo ah kuwo istiraatiiji u ah isku xirka xaafadaha magaalada ayaa kala ah: Waddada ka baxda Barta Hubinta ee KM4 kuna xirta xaafadda Tiitiinley ee degmada Wadajir, Waddada ka baxda isla isgoyskaas ee marta buundada Waaberi iyo Waddada Beexaani, oo isku xirta Isgoyska Sanca iyo Istaadiyaha Injineer Yariisow.
Guddoomiye Muungaab, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in dib-u-furista waddooyinkan ay calaamad u tahay soo noqoshada kalsoonida iyo xasiloonida Muqdisho. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in tallaabadani ay tahay guul ay gaareen shacabka iyo ciidamada amniga, kuwaas oo muujiyay sida looga adkaaday isku-dayadii kooxaha argagixisada ee ahaa inay carqaladeeyaan nolosha caasimadda.
"Mashruucan wuxuu qayb ka yahay barnaamijka Dowladda Hoose ee lagu dardargelinayo socodka shacabka iyo kobcinta dhaqaalaha magaalada," ayuu yiri Duqa Muqdisho.
Qorshahan ayaa yoolkiisu yahay in guud ahaan dib loo furo 52 waddo si loo yareeyo ciriiriga gaadiidka, loo fududeeyo adeegyada bulshada, loona kobciyo ganacsiga.
Waxaa xusid mudan in horey loo furay waddada dambe ee xarunta Dowladda Hoose.
Ugu dambayn, Maamulka Gobolka Banaadir wuxuu ballan-qaaday inuu sii wadi doono iskaashiga uu la leeyahay hay’adaha amniga iyo bulshada rayidka si loo xaqiijiyo in caasimaddu ay noqoto mid ammaan ah, nadiif ah, oo leh bilic iyo baraare.



















