GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Soomaaliya oo ka qeyb qaadaneysa arrimaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay in ay dib u soo maqaamkeedii booskeedii hore ee duulimaadyada caalamiga ah.
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminaya Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Cabdikariim Cabdow Xeydar
24 Sebteembar 2025

Wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Montreal ee dalka Kanada uga qaybgalaya Shirka 42-aad ee Golaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Caalamiga ah (ICAO), kaas oo ah madasha ugu sarreysa ee lagu dejiyo siyaasadaha iyo heerarka caalamiga ah ee hagaya mustaqbalka duulista hawada adduunka.

Golaha Guud ee ICAO, oo ah hay'adda ugu awoodda badan Ururka, wuxuu kulmaa saddexdii sanaba hal mar si loo dejiyo siyaasadda guud ee saddexda sano ee soo socota.

Shirkan oo socon doona inta u dhaxaysa 23-ka Sebteembar iyo 3-da Oktoobar, waxaa isugu yimid in ka badan 2,000 oo hoggaamiye oo ka kala socda 193-ka dal ee xubnaha ka ah ICAO, shirkadaha diyaaradaha farsameeya ee ugu waaweyn sida Airbus iyo Boeing, iyo khubaro dhinaca amniga iyo farsamada duulista ah.

Wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Cabdikariim Cabdow Xeydar, ayaa ujeeddadiisu tahay inuu xoojiyo doorka Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah.

Sida uu sheegay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Md. Axmed Macallin Xasan, ka qaybgalka shirkan wuxuu Soomaaliya u yahay "fursad muhiim ah, si loo xoojiyo xiriirka kala dhexeeya dalalka xubnaha ka ah ICAO, loona hormariyo adeegyada duulista rayidka ee dalka."

Dhaqdhaqaaqa wafdiga Soomaaliya kuma eka oo kaliya ka qaybgalka fadhiyada guud, balse waxay wadaan kulamo laba geesood ah oo muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga.

Kulamada ugu horreeya waxay la yeesheen dowladda Qatar, waxaana qorshaysan inay maalmaha soo socda kulamo la yeeshaan quwado waaweyn sida dalalka Mareykanka, Shiinaha, Panama, iyo dalal kale.

Shirweynahan 42-aad ayaa la filayaa inuu diiradda saaro arrimo xasaasi ah sida amniga duulista, hal-abuurka cusub ee farsamada, horumarinta kaabeyaasha garoomada, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Soomaaliya oo si firfircoon uga qeyb qaadaneysa arrimaha duulimaadyada caalamiga ah ayaa muujineysa sida ay uga go’an tahay in ay dib u soo ceshato maqaamkeedii hore ee duulimaadyada caalamiga ah, iyadoo sidoo kale dadaal ugu jirta in ay la jaanqaaddo heerarka ugu sarreeya ee badqabka iyo amniga hawada.

XIGASHO:TRT SOMALI
Raadi Warar Kale
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka
Gabadh ka qalinjebisay Turkiga oo Soomaaliya ka aas-aastay shirkadda ugu weyn ee cadarka
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya: "Turkiga ayaa hormuud ka ah maalgashiga dhabta ah ee Dalka"
Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadday la dagaallanka dambiyada internetka
Turkiga oo Sannadkan Barkiisa Hore Helay $6.3B oo ah Maalgashiga Tooska ah ee Dibadda
Raysal Wasaaraha Senegal Ousmane Sonko oo booqasho rasmi ah ku imanaya Turkiga
Muqdisho: Qorshe cusub oo dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimada oo xowli ku socda
Kenya oo ka hortimid go’aanka Tanzania ee mamnuucaya ganacsatada shisheeye
Soomaaliya: Bangiga Dhexe oo ku dhawaaqay in Aqoonsiga Qaranka laga rabo macaamiisha
Wajiga Cusub ee Isgaarsiinta: Adeeggii Boostada Soomaaliya oo dib loo howlgeliyay
Soomaaliya oo soo iibsatay laba diyaaradood: Somali Airlines oo hawada dib ugu soo laabanaysa
Soomaaliya: Wasaaradda Beeraha oo daah-furtay barnaamij lagu tababarayo farsama-yaqaannada cagafyada
Beydan: Goobta qaxwada Soomaaliya ee ka dhalatay waxbarashada Turkiga ee Najiib
Kanada oo amartay shirkadda weyn ee amniga Shiinaha ee Hikvision inay joojiso hawlaheeda
Nayjeeriya oo lo’da caanaha ka keensaneysa Denmark si ay u kordhiso wax-soosaarka gudaha.
Shirkadda Emirates oo dib u bilaabaysa duulimaadyada ay ku tagto Dimishiq, 12 sano kadib
Suuqa Yurub ee Gawaarida Korontada ku Shaqaysa oo Kordhaya Halka Iibka Tesla uu Hoos u Dhacay