Kansarka Goor Hore Ma La Ogaan Karaa? Jawaabta Saynisyahannadu Waa Haa
GANACSI & TEKNOLOJI
3 daqiiqo akhris
Kansarka Goor Hore Ma La Ogaan Karaa? Jawaabta Saynisyahannadu Waa HaaDaraasad cusub oo dhiirrigelin leh oo lagu baarayo kansarka sambabka iyada oo la adeegsanayo baaritaanka kaadida ayaa wax ka beddeli karta ogaanshaha cudurka kansarka ee goor hore, taasoo muujin karta calaamadaha cudurka bilooyin ama xitaa sanado kahor intaanay astaamuhu soo bixin.
00:00
Tijaabooyinka hordhaca ah ee ilaa hadda lagu sameeyay jiirarka ayaa lagu guuleystay, saynisyahannaduna waxay hadda doonayaan in tijaabadan loo weeciyo dadka bukaanka ah si loo xaqiijiyo waxtarkeeda.
9 Febraayo 2025

Cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Cambridge ayaa tijaabo baaritaan ku sameeyey kaadida, taasoo wax weyn ka beddeli karta ogaanshaha kansarka sambabka goore hore. Baaritaankan ayaa sare u qaadi karta fursadaha badbaadada bukaanka iyada oo lagu daweynayo cudurka kahor inta uusan sii faafin.

Daraasadan waxay bartilmaameedsanaysaa borotiinno gaar ah oo ay sii daayaan unugyada gaboobay oo loo yaqaan "unugyada zombie-ga".

Unugyadan oo waxyeeloobay ayaa sii wada shaqadooda, iyagoo ku milma nudayaasha jirka waqti ka dib. Unugyadan ayaa halkii ay dhiman lahaayeen, waxay sii daayaan borotiinno wax ka beddelaya aagga unugyada, taasoo abuurta xaalado ku habboon kobaca kansarka.

"Waxaan ognahay in kahor inta uusan kansarku soo bixin ay jiraan isbeddello ku dhaca unugyada cudurku saameeyay. Mid ka mid ah isbeddelladaas waa ururidda unugyo waxyeeloobay oo aan si buuxda u dhimanin balse sii daaya calaamado wax ka beddelaya unugyada hareerahooda, taasoo ka dhigaysa meel u fududaysa kansarka inuu kobco," ayay tiri Professor Ljiljana Fruk, oo ka mid ah saynisyahannada hormuudka ah ee cilmi-baaristan.

Cilmi-baarayaashu waxay ogaadeen borotiinnadan lagu arkay unugyada sambabada, waxayna sameeyeen dareeme la isku duro (injectable sensor) oo la falgala borotiinnadaas.

Marka dareemuhu la falgalo borotiinnada, wuxuu sii daayaa walax lagu ogaan karo kaadida iyada oo la isticmaalayo silver solution, oo ah farsamo hore loogu adeegsan jiray sawir-qaadista.

"Baaritaanku wuxuu ka kooban yahay laba qaybood, midkooda yarna waxaa lagu sii daayaa kaadida iyada oo loo sii marayo kelyaha," ayay tiri Professor Fruk.

"Marka walaxdan yar ay ku jirto kaadida, si toos ah looma ogaan karo, balse waxaa la arki karaa marka silver solution lagu daro, taasoo ah farsamadii sawir-qaadista loo isticmaali jirey waagii hore ee sawirrada baniikalka."

Ujeeddada cilmi-baaristan ayaa ah in la sameeyo tijaabo caawin karta dhakhaatiirta si ay u ogaadaan calaamadaha ugu horreeya ee kansarka, bilooyin ama sanado kahor intaan astaamuhu soo bixin.

Cilmi-baaristan ayaa noqon karta hab qiimo jaban leh oo lagu ogaan karo cudurka kansarka, gaar ahaan dadka halista ugu jira ama meelaha aan haysan agab caafimaad oo ku filan.

Daraasadan oo ay maalgelisay Cancer Research UK, ayaa sidoo kale la qorsheynayaa in lagu horumariyo baaritaanno lagu ogaan karo noocyada kale ee kansarka sida kansarka naasaha iyo kansarka ganaca.

Tijaabooyinka hordhaca ah ee ilaa hadda lagu sameeyay jiirarka ayaa lagu guuleystay, saynisyahannaduna waxay hadda doonayaan in tijaabadan loo weeciyo dadka bukaanka ah si loo xaqiijiyo waxtarkeeda.

Isbeddel Lagu Sameynayo La Dagaallanka Kansarka

Kansarka sambabada ayaa ah sababta ugu weyn ee dhimashada la xiriirta kansarka guud ahaan dunida, isagoo sannad walba dila 1.8 milyan oo qof.

Ku dhowaad kala bar kiisaska kansarka sambabada waxaa la ogaadaa marxalad goor dambe ah, taasoo xaddideysa fursadaha daaweynta iyo rajada badbaadada bukaanka.

Hadda, kaliya 10% bukaannada kansarka sambabada qaba ayaa noolaan kara muddo ka badan toban sano kadib marka la ogaado cudurka.

Baaritaankan cusub ee kaadida laga ogaanayo kansarka ayaa noqon kara isbeddel taariikhi ah, isagoo siinaya bukaanada fursad aad u wanaagsan oo daaweyn lagu guuleysto iyo badbaado mustaqbalka fog ah.

Raadi Warar Kale
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka
Gabadh ka qalinjebisay Turkiga oo Soomaaliya ka aas-aastay shirkadda ugu weyn ee cadarka
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya: "Turkiga ayaa hormuud ka ah maalgashiga dhabta ah ee Dalka"
Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadday la dagaallanka dambiyada internetka
Turkiga oo Sannadkan Barkiisa Hore Helay $6.3B oo ah Maalgashiga Tooska ah ee Dibadda
Raysal Wasaaraha Senegal Ousmane Sonko oo booqasho rasmi ah ku imanaya Turkiga
Muqdisho: Qorshe cusub oo dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimada oo xowli ku socda
Kenya oo ka hortimid go’aanka Tanzania ee mamnuucaya ganacsatada shisheeye
Soomaaliya: Bangiga Dhexe oo ku dhawaaqay in Aqoonsiga Qaranka laga rabo macaamiisha
Wajiga Cusub ee Isgaarsiinta: Adeeggii Boostada Soomaaliya oo dib loo howlgeliyay
Soomaaliya oo soo iibsatay laba diyaaradood: Somali Airlines oo hawada dib ugu soo laabanaysa
Soomaaliya: Wasaaradda Beeraha oo daah-furtay barnaamij lagu tababarayo farsama-yaqaannada cagafyada
Beydan: Goobta qaxwada Soomaaliya ee ka dhalatay waxbarashada Turkiga ee Najiib
Kanada oo amartay shirkadda weyn ee amniga Shiinaha ee Hikvision inay joojiso hawlaheeda
Nayjeeriya oo lo’da caanaha ka keensaneysa Denmark si ay u kordhiso wax-soosaarka gudaha.
Shirkadda Emirates oo dib u bilaabaysa duulimaadyada ay ku tagto Dimishiq, 12 sano kadib