Dowladda Kenya ayaa si rasmi ah uga hor timid go’aanka ay Dowladda Tanzania ku mamnuucday ganacsatada ajaanibta ah, gaar ahaan kuwa yaryar, inay ka shaqeeyaan gudaha dalkaas, iyadoo uga digtay in tallaabadaasi ay keeni karto fal-celin diblomaasiyadeed.
Wasiirka Ganacsiga Kenya, Lee Kinyanjui, ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in Nairobi ay "si weyn uga walaacsan tahay" go’aanka ay Dariskeeda Tanzania ku qaaday tallaabadan, taasoo uu ku tilmaamay mid wax u dhimaysa hadafka isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, gaar ahaan midka ku saleysan Heshiiska Suuqa Wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Tanzania ayaa sheegtay in sababta ay u qaaday tallaabadan ay tahay in ajaanibta si isa soo taraysa ugu biireen ganacsiga yaryar ee dalkaas, taasoo shaqo la’aan ku keentay dad badan oo reer Tanzania ah.
Wasaaradda Ganacsiga Tanzania ayaa si rasmi ah u shaacisay in 15 adeeg ganacsi ah laga mamnuucay ajaanibta, iyada oo tallaabadaasi dhaqangal noqotay isla markiiba. Waxyaabaha la mamnuucay waxaa ka mid ah adeegyada lacag dirista mobilka, ganacsiga dhagaxaanta yaryar, xarumaha qurxinta, dukaamada dharka hidaha iyo dhaqanka, furashada idaacadaha ama TV-yada, iyo shaqada dalxiis-hagayaasha.
Wasiirka Ganacsiga Tanzania, Selemani Jafo, ayaa sheegay in go’aankooda uu yahay mid lagu “ilaalinayo ganacsatada Tanzania iyo abuurista fursado shaqo oo u gaar ah muwaadiniinta.”
Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in tallaabada Tanzania ay khatar gelin karto horumarka ganacsi ee ay Bulshada Bariga Afrika gaartay. Wasiirka Ganacsiga Kenya, Kinyanjui, ayaa xusay in Tanzania ay tahay dalka labaad ee ugu ganacsiga badan ee Kenya ku leedahay Bariga Afrika, kaddib Uganda, iyadoo ay labada dal yeeshaan is-dhaafsi ganacsi oo gaaraya 63 bilyan oo shilin Kenyaan ah (qiyaastii $486 milyan oo dollar Mareykan ah).
Kenya ayaa sidoo kale xustay in inkasta oo ay ixtiraamayso madaxbannaanida dowlad kasta oo ka tirsan EAC, ay muhiim tahay in la is la tashado marka la qaadayo tallaabooyin saameynaya ganacsiga iyo isu-socodka xuduudaha.
Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa si cad uga soo horjeestay tallaabooyinka cusub ee Tanzania, iyadoo Xoghayaha Guud Veronica M. Nduva, ay sheegtay in xayiraadahaas ay ka hor imaanayaan Heshiiska Suuqa Wadajirka ah ee Bulshada Bariga Afrika.
EAC ayaa xustay in tan iyo markii la ansixiyay heshiiskan, dowladaha xubnaha ka ah ay ballanqaadeen in la baabi’in doono caqabadaha ganacsiga iyo socdaalka, isla markaana laga fogaado tallaabooyinka kali-taliska ah ee carqaladeeya isdhexgalka gobolka.
Heshiiska ayaa si cad uga mamnuucaya dib-u-celinta fursadaha ganacsi ee hore loo furay, taasoo ay sidoo kale meelmariyeen Xeer-ilaaliyayaasha Guud ee dowladaha xubnaha ka ah bishii November 2024.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Musalia Mudavadi, ayaa bishii May sheegay in ku dhawaad 250,000 oo Kenyan ah ay ku nool yihiin, shaqeeyaan ama ganacsi ka wataan gudaha Tanzania.
War kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Kenya maanta ayaa lagu sheegay in haddii wadaxaajoodka fashilmo aysan meesha ka saarnayn falcelin diblomaasiyadeed.
Tanzania ayaa hadda leh heer shaqo la’aan rasmi ah oo gaaraya 2.5%, taasoo u dhiganta ku dhawaad 835,000 oo qof oo da’ shaqo ah balse aan heysan shaqo, iyadoo tirada guud ee dadka dalkaas ay gaarayaan 68 milyan.
Tanzania waxa ay martigelisaa dad kale oo ajaanib ah oo ka kala yimid dalalka Uganda, Congo, Burundi, Rwanda iyo kuwa kale oo ka tirsan Bulshada Bariga Afrika.

























