GANACSI & TEKNOLOJI
2 daqiiqo akhris
Nayjeeriya oo lo’da caanaha ka keensaneysa Denmark si ay u kordhiso wax-soosaarka gudaha.
Inkasta oo Nayjeeriya ay leedahay mid ka mid ah xoolaha ugu badan qaaradda Afrika, haddana wax-soosaarka sannadlaha ah ee caanaha dalkaas oo ah 700,000 tan ayaa aad uga hooseeya baahida gudaha ee gaareysa 1.6 milyan oo tan.
Nayjeeriya oo lo’da caanaha ka keensaneysa Denmark si ay u kordhiso wax-soosaarka gudaha.
Nayjeeriya oo lo’da caanaha ka keensaneysa Denmark si ay u kordhiso wax-soosaarka gudaha.
3 Juun 2025

Dowladda Nayjeeriya ayaa bilaabaysa inay dalka keento lo’da caanaha laga dhaliyo ee Denmark, iyadoo qorsheynaysa inay labanlaabto wax-soosaarkeeda caanaha shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Wasiirka Xoolaha ee dalkaas, Idi Maiha, Isniintii.

Inkasta oo Nayjeeriya ay leedahay mid ka mid ah tirada xoolaha ugu badan qaaradda Afrika, haddana wax-soosaarka sannadlaha ah ee caanaha dalkaas oo ah 700,000 tan ayaa aad uga hooseeya baahida gudaha ee gaareysa 1.6 milyan oo tan.

Tani waxay keentay in dalkaasi uu dibadda ka keeno ku dhawaad 60% caanaha uu isticmaalo, taas oo kharashkeedu gaarayo $1.5 bilyan sanadkii.

"Himiladeennu waa mid adag laakiin la gaari karo; waxaan dooneynaa inaan labanlaabno wax-soosaarka caanaha Nayjeeriya oo aan ka dhigno 1.4 milyan tan sannadkii shanta sano ee soo socota," ayuu yiri Wasiir Maiha.

Noocyada lo’da wax-soosaarka yar leh

Maiha ayaa sheegay in lo’da dalka ay u badan yihiin noocyo dhaqameed aan caano badan laga helin, kuwaas oo ay dhaqdaan reer guuraaga. Waxaa uu sidoo kale xusay in beero ku yaalla dalkaas ay horey u soo dajiyeen in ka badan 200 xamaar (heifers) oo laga keenay Denmark, iyagoo ku dadaalaya inay kobciyaan wax-soosaarka iyaga oo adeegsanaya taran xul ah.

Intaa waxaa dheer, ayuu sheegay in Nayjeeriya ay diiwaangelisay siddeed nooc oo cusub oo daaq ah—taasoo ah markii ugu horreysay muddo 48 sano ah. Sidoo kale waxaa la daahfuray istiraatiijiyad qaran oo ku saabsan kobcinta hiddo-sideyaasha xoolaha, iyadoo la kaashanayo Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO).

"Inaga ma bilowno meel eber ah, ee waxaan dhiseynaa meel adag; waxaa dalka ka jira in ka badan 20.9 milyan oo lo’ ah, 60 milyan oo ido ah, iyo 1.4 milyan oo arri ah," ayuu yiri Wasiir Maiha.

XIGASHO:Reuters
Raadi Warar Kale
Ra'iisul Wasaaraha Jabuuti oo wada-hadallo la yeeshay La-taliyaha Guud ee Bangladesh, Muhammad Yunus
Dowladda Soomaaliya oo jid-gooyooyinkii ka qaadday waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho
Horumarinta duulista hawada: Wafdi Soomaaliyeed oo ka qaybgalaya shirweynaha caalamiga ah ee ICAO
Trump oo tilmaamay in heshiis laga gaaray TikTok ka hor inta aanu la hadlin Xi
Soomaaliya oo daah-furtay qorshe-weyn oo taariikhi ah oo beeraha looga ciribtirayo gaajada dalka
Gabadh ka qalinjebisay Turkiga oo Soomaaliya ka aas-aastay shirkadda ugu weyn ee cadarka
La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya: "Turkiga ayaa hormuud ka ah maalgashiga dhabta ah ee Dalka"
Dowladda Soomaaliya oo tallaabo ka qaadday la dagaallanka dambiyada internetka
Turkiga oo Sannadkan Barkiisa Hore Helay $6.3B oo ah Maalgashiga Tooska ah ee Dibadda
Raysal Wasaaraha Senegal Ousmane Sonko oo booqasho rasmi ah ku imanaya Turkiga
Muqdisho: Qorshe cusub oo dib loogu furayo waddooyinka xiran ee caasimada oo xowli ku socda
Kenya oo ka hortimid go’aanka Tanzania ee mamnuucaya ganacsatada shisheeye
Soomaaliya: Bangiga Dhexe oo ku dhawaaqay in Aqoonsiga Qaranka laga rabo macaamiisha
Wajiga Cusub ee Isgaarsiinta: Adeeggii Boostada Soomaaliya oo dib loo howlgeliyay
Soomaaliya oo soo iibsatay laba diyaaradood: Somali Airlines oo hawada dib ugu soo laabanaysa
Soomaaliya: Wasaaradda Beeraha oo daah-furtay barnaamij lagu tababarayo farsama-yaqaannada cagafyada
Beydan: Goobta qaxwada Soomaaliya ee ka dhalatay waxbarashada Turkiga ee Najiib
Kanada oo amartay shirkadda weyn ee amniga Shiinaha ee Hikvision inay joojiso hawlaheeda
Shirkadda Emirates oo dib u bilaabaysa duulimaadyada ay ku tagto Dimishiq, 12 sano kadib
Suuqa Yurub ee Gawaarida Korontada ku Shaqaysa oo Kordhaya Halka Iibka Tesla uu Hoos u Dhacay