Madaxweynaha Turkiga Turkiga Recep Tayyip Erdogan Erdogan oo ka qaybgalay shir madaxeedka NATO, oo Talaadadii iyo Arbacadii lagu qabtay magaalada Hague ee dalka Netherlands, ayaa sheegay in dhacdooyinka xukuma ajendaha caalamiga ah badankood ay ka dhacaan agagaarka Turkiga, taasoo muujineysa inay ku dadaalayaan inay Turkiga ka fogeeyaan dhammaan dhibaatooyinkaas.
Iran iyo Israel
Madaxweynaha Turkiga ayaa soo dhaweeyay heshiiska xabad joojinta ah ee dhexmaray Israa'iil iyo Iiraan, isagoo sheegay inay filayaan in dhinacyadu ay "si shuruud la'aan ah u fuliyaan."
Waxa uu ku macneeyay in xiisada dagaal ee dhawaan ka dhex aloosantay Israa’iil iyo Iiraan ay gobolka u horseedday bandhigtay khataro waaweyn, isagoo xusay in Turkiga uu xiriir diblomaasiyadeed oo xooggan sameeyay tan iyo bilowgii xiisadda. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in "Xurgufta kala dhaxaysa Iiraan ay suurtagal tahay in lagu xaliyo diblumaasiyad iyo wada xaajood, gobolkayaguna waxaa ka buuxa tusaalayaal muujinaya in aan wax natiijo ah lagu gaari karin dagaal iyo burbur."
Isagoo ka hadlaya dagaalka xasuuqa ah ee ay Israa’iil ku hayso marinka Qaza, Erdogan waxa uu yidhi “Weerarada Israa’iil waxa ay masiibadii Qaza ka dhacday u beddeleen masiibo bini’aadantinimo, isaga oo xusay in qof damiir lihi aanu ka aamusi karin dhibaatadan waxashnimada ah.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku nuuxnuuxsaday “Sida ka jirta dhammaan dalalka gobolka, ammaanka Israa’iil wuxuu ku xiran yahay xasilloonida, badqabka iyo barwaaqada deriskeeda,” wuxuuna ugu baaqay Israa’iil inay ka laabato mowqifkeeda Qaza.
Diyaaradaha Dagaalka F-35
Hadal kale oo uu jeediyay intii uu socday shirka, ayuu madaxweyne Erdogan ku sheegay inuu dhiggiisa Mareykanka, Donald Trump uu kala hadlay arrinta diyaaradda F-35, isagoo xusay in uu ujeedo wanaagsan ka leeyahay soo iibsashada Ankara ee diyaaradda.
Erdogan waxa uu intaa ku daray, "Waxaanu Trump kala hadalnay arrinta diyaaradda F-35, waxaana aaminsanahay inuu ujeedo wanaagsan ka leeyahay soo iibsashada diyaaradahan, oo aan ku bixinnay illaa $1.4 bilyan."
Isagoo ka hadlaya iibka Turkiga ee dayuuradaha dagaalka ee Eurofighter, Erdogan wuxuu yiri, "Waanu sii wadeynaa wadahadalka aan la leenahay Britain iyo Jarmalka, waxaana jira horumar wanaagsan oo arrintan ku saabsan."