Iiraan oo ku eedeeysay G7 in baaqoodii ku aaddanaa dejinta xiisadda ay ku taageereen Israa'iil
"Iiraan waa ay iska difaacaysa xadgudub kasta oo lagula kaco. Waddo kale miyaa Iiraan u furan?" ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan.
Iiraan oo ku eedeeysay G7 in baaqoodii ku aaddanaa dejinta xiisadda ay ku taageereen Israa'iil
Sawirkan oo ay baahisay Bisha Cas ee Iiraan (Juun 17, 2025), wuxuu muujinayaa kooxo gurmad oo baaraya burburka Tehran kadib weeraradii Israa’iil. / AFP
17 Juun 2025

Iiraan ayaa ku eedeysay dalalka ku bahoobay G7 inay la safteen dhinaca Israa’iil, kadib marki war saxafadeed ay soo saareen ay ku sheegeen inay israaiil xaq u leedahay inay is difaacdo .

“Kooxda G7 waa inay ka tanaasulaan hadallada lagu taageeraayo halka dhinac oo ay wax ka qabtaan gardarrada Israa’iil,” ayuu Talaadadii yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Esmaeil Baqaei.

Israa’iil waxay bilowday dagaal gardarro ah oo aan sabab lahayn oo ka dhan ah Iiraan... taasoo ka hor imaaneysa axdiga Qaramada Midoobay ayuu yiri afhayeenka.

“Boqolaal qof oo aan waxba galabsan ayaa la dilay, goobaha dadweynaha iyo kuwa dowladeed ayaa si arxan darro ah ayaa loo burburiyay.

“Iiraan waxay isku difaaceysaa gardarro naxariis daran. Ma Iiraan baa dhab ahaan doorasho kale haysata?” ayuu weydiiyay.

Shirkii G7 ee ka dhacay Kanada Isniintii, hoggaamiyeyaasha oo uu ku jiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku baaqay in la yareeyo xiisadda, iyagoo adkeeyay in Israa’iil ay xaq u leedahay inay isdifaacdo.

Bayaan ay soo saareen hoggaamiyeyaasha G7 ayey ku sheegeen inay ka go’an tahay in “nabad iyo xasillooni” lagu soo dabbaalo Bariga Dhexe.

“Waxaan xaqiijineynaa in Israa’iil ay xaq u leedahay inay isdifaacdo. Waxaan mar kale ku celinaynaa taageeradayada amniga Israa’iil,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Iiraan waa isha ugu weyn ee xasillooni darrada iyo argagixisada gobolka,” ayaa lagu yiri.

“Waxaan si joogto ah u caddeynay in Iiraan aysan waligeed heli karin hubka nukliyeerka.

“Waxaan ku boorineynaa in xallinta xiisadda Iiraan ay horseeddo yareynta guud ahaan colaadaha ka jira Bariga Dhexe,” ayaa lagu daray bayaanka G7.

XIGASHO:AFP