Cadaadis la saaray Israa'iil si ay u soo afjarto dagaalka Qaza ka dib xabbad joojinta Iiraan
Hoggaamiyeyaasha ayaa sidoo kale rajo ka muujinaya in xabad joojinta u dhaxeysa Israa'iil iyo Iiraan ay horseedi doonto xabad joojin ka dhacda Qaza, halkaasoo ciidamada Israa'iil ay xasuuq ka wadaan in ka badan 20 bilood.
Cadaadis la saaray Israa'iil si ay u soo afjarto dagaalka Qaza ka dib xabbad joojinta Iiraan
QAZA / AA
26 Juun 2025

Hoggaamiyeyaasha caalamka, mucaaradka Israa’iil, iyo qoysaska maxaabiista Israa’iil ayaa ku baaqay in dagaalka Qaza la soo afjaro kadib markii xabbad-joojin lala gaaray Iiraan.

“Hadda waa Qaza. Waa waqtigii sidoo kale la soo afjari lahaa dagaalka ka socda halkaas. Soo celiya maxaabiista, joojiya dagaalka,” ayuu yiri Yair Lapid, hoggaamiyaha mucaaradka ee xisbiga Yesh Atid ee dhexe-midig, oo Talaadadii qoraal soo dhigay barta X.

Ururka Qoysaska Maxaabiista iyo Dadka Maqan, oo ah kooxda ugu weyn ee matasha qoysaska maxaabiista, ayaa sidoo kale ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu raadiyo xabbad-joojinta Qaza.

“Waxaan ugu baaqaynaa dowladda inay gasho wadaxaajood degdeg ah oo keeni doona in dhammaan maxaabiista lagu soo celiyo gurigooda oo dagaalka la soo afjaro. Kuwa awooda inay xabbad-joojin la gaaraan Iiraan, waxay sidoo kale soo afjari karaan dagaalka Qaza,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen.

sida ay sheegeen ciidamada Israa’iil, 251 maxbuus oo la afduubay bishii Oktoobar 2023, ayaa 49 ka mid ah weli lagu hayaa Qaza, iyadoo ay ku jiraan 27 meyd ah.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa sheegay in waddankiisu uu ka shaqeynayo dib u bilaabidda wadaxaajoodyada xabbad-joojinta.

“Weli waxaan sii wadeynaa dadaalladayada, Ilaahay idankiisna, waxaan isku dayi doonaa inaan fursad u raadino wadaxaajoodyo dadban oo labada dhinac ah maalmaha soo socda,” ayuu yiri Sheekh Maxamed bin Cabdiraxmaan Al Thani.

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa soo jeediyay in xabbad-joojinta lala gaaray Iiraan ay tahay “fursad weyn” oo lagu xoojin karo midnimada qaranka kadib dagaalka aadka loogu kala qaybsamay ee Qaza, inkastoo uusan ku baaqin in dagaalka Qaza la soo afjaro.

“Waxaan aaminsanahay in tani ay noqon karto waqti wanaagsan oo laga heshiiyo qodobo badan oo xanuun badan,” ayuu Herzog u sheegay wariyeyaasha isagoo ku sugan goob ka mid ah koonfurta Israa’iil oo uu ku dhacay gantaal laga soo tuuray Iiraan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in xabbad-joojin u dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan ay dhaqan gashay kadib 12 maalmood oo dagaal uu socday oo Israa’iil iyo Mareykanku ay duqeeyeen xarumaha nukliyeerka Iiraan, taasoo keentay in Iiraan ay ka aargudato iyadoo weerartay Israa’iil iyo mid ka mid ah saldhigyada Mareykanka oo ku yaalla dalka Qatar.

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay in xabbad-joojinta hordhaca ah ee u dhaxaysa Israa’iil iyo Iiraan ay horseedi doonto xabbad-joojin ha hirgasha Qaza, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay weerar ku bilaabeen 20 bilood ka hor.

“Maanta… waa waqtigii la soo afjari lahaa dagaalka Qaza oo xabbad-joojin la gaari lahaa” ayuu yiri Friedrich Merz isagoo la hadlayay baarlamaanka Jarmalka.

Maamulka Falastiin ayaa dalbaday in xabbad-joojinta lala gaaray Iiraan la ballaariyo oo lagu soo daro Qaza, oo ay ka jirto xaalad macaluul ah iyo toogashooyin maalinle ah oo ka dhacaya xarumaha gargaarka, sida ay sheegeen hay’adaha Qaramada Midoobay.

“Madaxweynuhu wuxuu soo dhoweeyay ku dhawaaqista Madaxweyne Donald Trump ee heshiiska xabbad-joojinta,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Maxamuud Cabbas, isagoo intaas ku daray: “Waxaan dalbaneynaa in tallaabadan lagu dhammeystiro xabbad-joojin ay ku jirto Qaza.”

Dagaalka Israa’iil ee Qaza ayaa lagu dilay ugu yaraan 56,077 qof tan iyo 23-kii Oktoobar, sida ay sheegeen hay’adaha caafimaadka Falastiin.