Iiraan oo dil toogasho ku xukuntay 3 muwaadin oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen Israa'iil
Hay'adda garsoorka ee Iiraan ayaa maalinimadii Arbacadii ku dhawaaqday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyey saddex muwaadin oo lagu eedeeyey in ay u shaqeynayeen Israa'iil.
Iiraan oo dil toogasho ku xukuntay 3 muwaadin oo lagu eedeeyay in ay u basaasayeen Israa'iil
Iiraan oo dil toogasho ah ku xukuntay muwaadiniin iyadoo lagu eedeeyay inay u basaasayeen Israa'iil / AP
26 Juun 2025

“Idris Ali, Azad Shojaei, iyo Rasool Ahmad Rasool, la soo qabtay iyagoo isku dayaya in ay dalka soo geliyaan hub si ay dilal uga fuliyaan dalka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay maamulka.

Waxay intaa ku dartay in saddexda muwaadin "lagu maxkamadeeyey eedeymo ah inay la shaqeeyaan maamulka Sahyuuniyadda," iyadoo xustay in "xukunka lagu fuliyay saaka (Arbaca) oo la daldalay."

Axadii la soo dhaafay, mas’uuliyiinta garsoorka ayaa ku dhawaaqay dilka Majid Msibi, oo ah muwaadin u gudbiyay xogta sirta ah ee militariga iyo amniga qof la rumeysan yahay inuu wakiil u ahaa hay’adda sirdoonka Israa’iil ee Mossad oo ku sugan Khaliijka, isaga oo ka helay lacago badan oo lagu siiyey lacagaha dhijitaalka ah.

13-kii Juun, Israa’iil oo taageero ka helaysa Maraykanka, ayaa weerar ku qaaday Iiraan oo ay ku bar-tilmaameedsatay xarumaha Nukliyeerka, saldhigyada gantaallada, hoggaamiyeyaasha milatariga, iyo saynisyahannada nukliyeerka. Iiraan ayaa ka jawaabtay in ay gantaalada ballistic-ga ah ku garaacday xarumaha militariga iyo sirdoonka Israa’iil, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.

Subaxnimadii hore ee Talaadada, madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay heshiis xabbad joojin ah oo u dhexeeya Israa'iil iyo Iiraan. Saacado ka dib, bayaan ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu shaaciyay oggolaanshaha heshiiska.