Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga ayaa sheegtay in 20 askari ay ku shahiidayeen shilka diyaaradda xamuulka milatariga oo Talaadadii ku dhacday Georgia.
"Saacaddu markii ay ahayd 06:30 subaxnimo (0230 GMT), iyadoo lala kaashanayo mas'uuliyiinta Georgia, kooxda baadigoobka iyo badbaadinta iyo kooxda baaritaanka shilka ayaa bilaabay baaritaanka burburka diyaaraddeena xamuulka ee ku burburtay xuduudda Azerbaijan iyo Georgia," ayay wasaaraddu ku sheegtay bayaan ay soo saartay Arbacadii.
Diyaarad nooceedu yahay C-130 oo ah kuwa xamuulka milatariga Turkiga, oo ay saarnaayeen 20 askari, ayaa burburtay ka dib markii ay ka soo duushay Azerbaijan iyada oo ku sii jeeday Turkiga.
Wasaaraddu sidoo kale waxay shaacisay magacyada dhammaan 20-kii askari ee ku geeriyooday shilka.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii telefoon kula hadlay dhiggiisa Azerbaijan Ilham Aliyev iyo Ra'iisul Wasaaraha Georgia Irakli Kobakhidze si ay uga wada hadlaan horumarrada ugu dambeeyay ee howlaha raadinta iyo badbaadinta ee socda.
Madaxweyne Erdogan, oo ka hadlay munaasabad ka dhacday caasimadda Ankara, ayaa tacsi u diray shuhadada.
Dalal iyo hoggaamiyeyaal caalami ah ayaa sidoo kale garab istaag u muujiyey tacsina u diray Türkiye.





























