Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wada-hadalladii dhawaan uu la yeeshay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee barnaamijka diyaaradda dagaalka F-35 ay ka soo baxeen tallaabooyin rajo abuuraya.
Isagoo la hadlayay wariyeyaasha markii uu ka soo laabanayey booqashadiisii xuska Maalinta Guusha ee Azerbayjan, Erdogan wuxuu muujiyey rajada ah in Washington ay fulin doonto ballanqaadyadeeda.
Wuxuu adkeeyey in helidda diyaaradaha dagaalka ee F-35 ay Turkiga siineyso faa'iido xooggan oo howlgal iyo tiknoolaji ah.
"Wadahadallada heer farsamo iyo horumarka laga sameeyey waa mid muhiim ah. Dabcan, arrinta F-16 iyo F-35 way jirtaa. Waxaannu natiijo miro dhal ah ka gaarnay F-35 intii lagu guda jiray kulamadii dhawaan aanu la yeelanay Madaxweynaha Maraykanka ee Trump. Waxaan rajeynayaa in ballanqaadyadii la sameeyey la fuliyo islamarkaana aynu awood xooggan ka helno diyaaradaha dagaalka ee F-35," ayuu yiri Erdogan.
Diyaaradaha Eurofighter
Isagoo ka hadlay horumarrada guud ee ciidanka cirka, Erdogan ayaa xaqiijiyey in heshiiska Diyaaradaha Eurofighter ee ay la sameeyeen Boqortooyada Ingiriiska iyo Jarmalka uu si wanaagsan u socdo.
Wuxuu intaa ku daray inay weli wadahadallo la leeyihiin Qatar iyo Cumaan, taasoo fursad u furaysa in diyaaradaha Eurofighter sidoo kale laga iibiyo dalalka Khaliijka.
"Sidoo kale waxaa jirta suurtogalnimo ah in diyaaradaha Eurofighter ay adeegsadaan ciidamadoodu. Haddii heshiisyadani hirgalaan, waxay noqon doonaan guulo wax-ku-ool ah oo dalkayaga u soo hoyda," ayuu yiri Erdogan.
Erdogan sidoo kale wuxuu xoogga saaray dadaallada warshadaha difaaca ee gudaha, isagoo sheegay in hindisayaasha gudaha ay sii xoojin doonaan awoodda istiraatijiyadeed iyo madax-bannaanida tiknoolajiyadeed ee Turkiga.
"Tallaabooyinkan, oo ay weheliyaan mashaariicda difaaca qaranka, waxay Turkiga siin doonaan awoodo xoog badan oo ah dhinaca tiknoolajiyada iyo howlgalada cirka," ayuu ku soo gabagabeeyey.





























