TURKIGA
2 daqiiqo akhris
Istanbul oo martigelinaysa wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan xabbad-joojinta iyo xaaladda Qaza
Kulankan ayaa looga hadli doonaa horumarradii ugu dambeeyay ee xabbad-joojintii Oktoobar 10-keedii iyo xaaladda bini'aadantinimo ee ka jirta Qaza.
Istanbul oo martigelinaysa wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan xabbad-joojinta iyo xaaladda Qaza
Wiil ayaa fiirinaya xero teendhooyin oo Falastiiniyiin barakacayaal ah, taasoo ku fidsan aag ku yaal Zawaida, badhtamaha Qaza.
3 Nofeembar 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa Isniinta magaalada Istanbul ku martigelin doona kulan looga hadlayo arrimaha Qaza, sida ay sheegeen ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.

Kulanka ayaa la filayaa inay isugu yimaadaan wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Turkiga, Imaaraadka Carabta, Indonesia, Qatar, Pakistan, Sacuudi Carabiya, iyo Urdun.

Ilo-wareedyadu waxay Axaddii xuseen in dalalkan ay yihiin isla kuwii 23-kii Sebtembar la kulmay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, intii uu socday Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Kulankan ayaa looga hadli doonaa horumarradii ugu dambeeyay ee xabbad-joojintii Oktoobar 10-keedii iyo xaaladda bini'aadantinimo ee ka jirta Qaza.

Wasiir Fidan ayaa la filayaa inuu si adag u cambaareeyo isku dayada Israa'iil ay ku abuurayso marmarsiiyo ay ku soo afjarayso xabbad-joojinta. Wuxuu ku nuux-nuuxsan doonaa in beesha caalamku ay waajib ku tahay inay mowqif adag ka istaagto falalka daan-daansiga ah ee Tel Aviv. Wuxuu kaloo hoosta ka xarriiqi doonaa muhiimadda ay leedahay in dalalka Islaamku ay isku dubbaridaan tallaabooyinkooda si xabbad-joojintu ay isugu beddesho nabad waarta.

Gargaar aan ku filnayn

Wasiir Fidan ayaa carrabka ku adkeyn doona in gargaarka bini'aadantinimo ee hadda galaya Qaza uu yahay mid aan ku filnayn, ayna Israa'iil ku guul-darraysatay inay ka soo baxdo waajibaadkeedii ku aaddanaa arrintan xasaasiga ah.

Isagoo ku adkaynaya in la xaqiijiyo gargaar bini'aadantinimo oo ku filan oo si joogto ah loo gaarsiiyo Qaza ay tahay lagama maarmaan bini'aadantinimo iyo mid sharci ah, wuxuu kaloo carrabka ku adkeyn doonaa in cadaadis la saaro Israa'iil sidii ay u fulin lahayd baahiyahan.

Waxaa la filayaa in Fidan uu ku adkeysto baahida loo qabo in si degdeg ah loo hirgeliyo qorshayaal u oggolaanaya Falastiiniyiinta inay la wareegaan mas'uuliyadda amniga iyo maamulka Qaza.

Tallaabadan waa in lagu ilaaliyaa xuquuqdooda sharciga ah, lagulana dhowrayaa aragtida xalka labada-dawladood.

Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in Wasiirku uu sidoo kale iftiimin doono muhiimadda ay leedahay in la sii wado la-tashiga iyo isku-duwidda dhow ee tallaabooyinka laga qaadayo fagaarayaasha Qaramada Midoobay.

XIGASHO:AA
Raadi Warar Kale
Diyaarad nooca xamuulka ah oo Ciidanka Turkigu leeyahay oo ku burburtay xadka Georgia-Azerbaijan
Turkiga oo dib u furay Guriga Atatürk ee Thessaloniki, oo lagu maamuusay dhaxalkii aasaasihii dalka
Aliyev: Farriintii Erdogan ee “Azerbaijan kaligeed ma aha” ayaa horseedday guushii Karabakh
Istanbul oo martigelinaysa shirweynaha caalamiga ah ee “Mustaqbalka Qaza”
Erdogan oo sheegay inuu rajeynayo in Mareykanku uu fuliyo ballanqaadyadii heshiiska diyaaradaha F-35
Saraakiisha Turkiga iyo Xamaas oo ku kulmay Istanbul kana wadahadlay qorshaha xabbad-joojinta Qaza
Wasiir Fidan oo booqasho ku tegay Finland si uu ula kulmo dhiggiisa Valtonen
Erdogan oo cambaareeyay dilalka shacabka ee Al-Faashir ee Suudaan
Turkiga oo diyaar u ah martigelinta wadahadallada nabadda ee xiga ee Ukraine & Ruushka: Wasiir Fidan
TRT waxay gudbisaa warar ku dhisan xaqiiqo xilli aragtidu marin-habawday: Erdogan
Wasiir Fidan oo ku baaqay dib-u-habeynta QM, kana digay “Qalalaase sharciyadeed” oo caalami ah
TRT waxay gudbisaa warar ku dhisan xaqiiqo xilli aragtidu marin-habawday: Erdogan
TRT World Forum 2025 oo ka furmay Istanbul iyadoo lagu maamuusayo suxufiyiintii lagu dilay Qaza
Nidaamka caalamiga ah ee hadda jira wuxuu mudnaanta siiyaa awoodda beddelka caddaaladda: Sobaci, TRT
Duran oo ku baaqay nidaam caalami ah oo ku dhisan caddaalad, wadahadal, iyo amniga aadanaha
Israa'iil waxay burburisay Qaza oo dhan, sidee bay ku noqon kartaa mid aan waxba galabsan: Erdogan
MW Erdogan oo cambaareeyay aamusnaanta caalamka ee ku aaddan falalka Israa’iil ee Qaza
Turkiga oo cambaareeyay laba-wajiilaynta reer Galbeedka ee Qaza, kuna baaqay nidaam cusub
Kulankii 9-aad ee TRT World Forum oo lagu wado inuu ka furmo Istanbul
Xamaas nukliyeer ma laha ee Israa’iil ayaa leh, Erdogan oo ku baaqay cadaadis ka dhan ah Tel Aviv