TURKIGA
3 daqiiqo akhris
In ka badan 170 arday caafimaad oo ka qalin jabisay Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka ee Turkiga
Qalinjabiyeyaashan ayaa la filayaa inay horumariyaan nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya.
In ka badan 170 arday caafimaad oo ka qalin jabisay Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka ee Turkiga
Qalin-jebiyayaasha ayaa la filayaa inay xoojiyaan nidaamka caafimaadka Soomaaliya.
8 Luulyo 2025

Kuliyadda Caafimaadka ee Mogadishu Recep Tayyip Erdoğan, oo hoos timaada Jaamacadda Cilmiga Caafimaadka (UHS), ayaa si sharaf leh u qalinjebisay 172 arday, xaflad ka dhacday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho

Iyada oo qayb ka ah himilada UHS ee ah in ay soo saarto xirfadlayaal daryeel caafimaad oo tayo leh, munaasabadda Isniintii waxaa ka buuxay farxad, sharaf, iyo xasuuso qiiro leh, iyada oo la xoojinayay falsafadda machadka ee ah "bani'aadamnimada marka hore."

Xafladda qalin-jabinta, oo uu marti-geliyay Dekaan Prof. Dr. Raşit Gündoğdu, ayaa waxaa isugu yimid mas’uuliyiin ka socday dowladda Soomaaliya, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş, wakiilo ka socday hay’adaha Turkiga ee ka howl-gala Soomaaliya, iyo qoysaska qalin-jebiyayaasha.

Guddoomiyaha Jaamacadda UHS Prof. Dr. Kemalettin Aydin oo qaab online aha kaga qayb-galay, ayaa khudbad xooggan oo uu jeediyey, carrabka ku adkeeyey in munaasabadda aysan kaliya ahayn qalinjebin, balse ay tahay xaqiijinta himilo ilbaxnimo.

"Xafladda maanta ma ahan oo kaliya in bixinta shahaadooyinka. Waxay astaan u tahay buundada ilbaxnimo oo kudhisan walaaltinimo iyo qalbiyo u heellan.

Gobollada ay iska indhatirtay nidaamka caalamiga ah ee ay daashadeen qaab-dhismeedyada boobka ah, waxaan ku faaneynaa inaan soo saarno xirfadlayaal daryeel caafimaad oo leh aqoon, naxariis, iyo jacayl bani'aadamnimo," ayuu raaciyay Aydın.

'Iftiin Rajjo'

"Annaga oo ah UHS, waxaan ka badan waxbarid ayaan qabanaa waxaan sameynaa xiriir qalbi iyo fulinta masuuliyad taariikhi ah. Shaqaale kasta oo daryeel caafimaad oo lagu tababaro Soomaaliya wuxuu sidoo kale noqon doonaa codka dadka dulman iyo wakiilka bani’aadamnimada," ayuu yiri.

"Munaasabadan qiimaha badan, waxaan xusayaa Suldaan Cabdulxamiid II, oo dhidibada u taagay aasaaska aqooneed ee jaamacadeena qarniyo ka hor, markii uu aasaasay Mekteb-i Tıbbiye-i Şahane, isagoo isku daray aqoonta iyo naxariista himilo aragti fog leh," ayuu yiri guddoomiyaha.

"Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, oo soo nooleeyay himiladan casriga ah isagoo aasaasay jaamacadeena 2015-kii una horseeday waxbarashada caafimaadka caalamiga ah."

Wuxuu sheegay in jaamacadda ay sii wadi doonto inay noqoto “iftiin rajjo oo aan kaliya ka jirin Turkiga balse gees kasta oo ka mid ah juqraafi dhaqameedkeena wadaagga ah,” isla markaana ay tahay “adeeg Ilaah iyo bani’aadamnimada.” 

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa iftiimiyay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu ka gudbay saaxiibtinimo una gudbay iskaashi istiraatiiji ah.

Wuxuu xusay in Kuliyadda Caafimaadka ee Recep Tayyip Erdoğan ee Mogadishu ay noqotay hay'ad tusaale u ah waxbarashada caafimaadka oo aan Soomaaliya kaliya ku koobaneyn balse guud ahaan qaaradda Afrika.

“Waxaan si adag u shaqeynay si aan u guuleysano,” ayuu cadeeyey. 

Wuxuu dib u xaqiijiyay ballanqaadka Turkiga ee ah inuu sii wadi doono taageerada Soomaaliya dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, iyo gargaarka bini’aadminimo.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Nura Mustaf Mukhtar, ayaa ka hadashay iskaashiga qoto dheer ee u dhexeeya labada dal, iyada oo dib ugu celisay gargaarkii bini'aadannimo ee Turkiga u fidiyay Soomaaliya 2011-kii.

"Maanta, waxaan markhaati ka nahay sida abuurkaasi uu u noqday geed xooggan," ayay tiri. Wasiir Nura ayaa muujisay sharaf ay u haysay qalinjabiyeyaasha gaar ahaan kuwa ka soo qalinjabiyay Waaxda Gargaarka Degdegga ah iyo Maareynta Masiibooyinka, waxayna u hambalyaysay dhammaantood, iyada oo si gaar ah u xustay kuwa ka soo qalinjabiyay barnaamijyada kalkaalinta iyo umulisooyinka.

Fowsiya Cabdikadir, oo ku hadlaysay magaca qalinjabiyeyaasha, ayaa sheegtay in waxbarashadooda UHS aysan kaliya ku koobneyn aqoon tacliimeed balse ay sidoo kale barteen mas’uuliyad qoto dheer.

"Waxaan u shaqeynay si adag si aan u gaarno heerkan. Waxaan uga mahadcelinayaa jaamacaddayada iyo qof walba oo naga taageeray safarkan,” ayay tiri.

Xafladda ayaa lagu soo gabagabeeyay bixinta shahaadooyinka, dabbaaldegga tuurista koofiyadaha, iyo sawirro kooxeed.

XIGASHO:TRT Afrika
Raadi Warar Kale
Diyaarad nooca xamuulka ah oo Ciidanka Turkigu leeyahay oo ku burburtay xadka Georgia-Azerbaijan
Turkiga oo dib u furay Guriga Atatürk ee Thessaloniki, oo lagu maamuusay dhaxalkii aasaasihii dalka
Aliyev: Farriintii Erdogan ee “Azerbaijan kaligeed ma aha” ayaa horseedday guushii Karabakh
Istanbul oo martigelinaysa shirweynaha caalamiga ah ee “Mustaqbalka Qaza”
Erdogan oo sheegay inuu rajeynayo in Mareykanku uu fuliyo ballanqaadyadii heshiiska diyaaradaha F-35
Saraakiisha Turkiga iyo Xamaas oo ku kulmay Istanbul kana wadahadlay qorshaha xabbad-joojinta Qaza
Wasiir Fidan oo booqasho ku tegay Finland si uu ula kulmo dhiggiisa Valtonen
Erdogan oo cambaareeyay dilalka shacabka ee Al-Faashir ee Suudaan
Istanbul oo martigelinaysa wadahadallo heer sare ah oo ku saabsan xabbad-joojinta iyo xaaladda Qaza
Turkiga oo diyaar u ah martigelinta wadahadallada nabadda ee xiga ee Ukraine & Ruushka: Wasiir Fidan
TRT waxay gudbisaa warar ku dhisan xaqiiqo xilli aragtidu marin-habawday: Erdogan
Wasiir Fidan oo ku baaqay dib-u-habeynta QM, kana digay “Qalalaase sharciyadeed” oo caalami ah
TRT waxay gudbisaa warar ku dhisan xaqiiqo xilli aragtidu marin-habawday: Erdogan
TRT World Forum 2025 oo ka furmay Istanbul iyadoo lagu maamuusayo suxufiyiintii lagu dilay Qaza
Nidaamka caalamiga ah ee hadda jira wuxuu mudnaanta siiyaa awoodda beddelka caddaaladda: Sobaci, TRT
Duran oo ku baaqay nidaam caalami ah oo ku dhisan caddaalad, wadahadal, iyo amniga aadanaha
Israa'iil waxay burburisay Qaza oo dhan, sidee bay ku noqon kartaa mid aan waxba galabsan: Erdogan
MW Erdogan oo cambaareeyay aamusnaanta caalamka ee ku aaddan falalka Israa’iil ee Qaza
Turkiga oo cambaareeyay laba-wajiilaynta reer Galbeedka ee Qaza, kuna baaqay nidaam cusub
Kulankii 9-aad ee TRT World Forum oo lagu wado inuu ka furmo Istanbul