Arkidda Mustaqbalka
09:07
09:07
Caafimaadka
Arkidda Mustaqbalka
Daaweyn cusub ayaa dib u soo celinaysa aragga carruurta ku dhalatay indha la’aanta LCA, taasoo uu keeno cudur hidde-side ah. Daaweyntan casriga ah ayaa rajo siinaysa carruurta si ay fursad ugu helaan inay markii ugu horreysay wax arkaan.
14 Meey 2025

“Ma waxaa jira waalid aan indhihiisa u huri laheyn gabadhooda si ay u aragto bilicda qorrax dhaca?” Erayadan waxaa yiri Chris Reif, oo ah aabbe ay gabadhiisu indho la’aan ku dhalatay.

Ilmo indha la’aan ku dhashayi ma fahi karo waxa uu ka dhigan yahay araggu. Sababtoo ah ma ay laha xusuus muuqaaleed ama sawir guud oo ay maskaxdooda kaga suureysan karaan dunida ku xeeran. Noloshoodu waxay ku dhisan tahay oo ay wax ku dareemaan codka, taabashada, urinta iyo dhadhaminta. Balse hab-raac caafimaad oo cajiib ah ayaa hadda suurta gelinaya in carruur ku dhashay cudur hidde-side ah oo naadir ah ay dib u helaan araggooda — taasoo rajo weyn u noqotay qoysas u maleynayay in indha la’aanta carruurtoodu tahay mid aan daawo lahayn oo aysan ka bogsan doonin.

Maqal dheeraad ah
Wararkii maanta oo kooban 01-da Oktoobar 2025
Burburka Tamarta
Diin La-Dirirka: Falanqayn Taariikheed iyo Kororka Islaam Naceybka
Dagaalka Awoodda Macdanta Nadirka ah
Maaraynta Sawaxanka
Culeys Ku Soo Wajahan Dunida: Khatarta Cayilka/Buurnida
Maxay tahay sababta Baasaboorada qaar uga awood badan yihiin kuwa kale?
Magacaagu Saameyn ma ku Leeyahay Masiirkaaga Nololeed?
Khatarta Dayax-gacmeedyada Starlink