Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Jaamac, ayaa codkiisa ku biiriyey ka qaybgalayaasha Shirweynaha Labaad ee Qaramada Midoobay ee Nidaamyada Cuntada, isagoo cambaareeyay gaajeysiinta iyo macaluusha oo loo adeegsado sidii hub laguna gumaado dadka, isagoo si gaar ah u muujiyay xaaladda naxdinta leh ee Qaza.
Hadal uu ka jeediyey shirweynaha saddexda maalmood ah ee si wadajir ah ay u soo qabanqaabiyeen Itoobiya, Talyaaniga, iyo Qaramada Midoobay, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa ka dhawaajiyey dhibaatada naxdinta leh iyo xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay cunto la’aanta si ula kac ah loo abuuray.
“Natiijada macaluusha ee gaar ahaan ay dadku abuureen waxaa si fiican loo fahmi karaa marka la eego xaaladaha aan bani’aadamnimada ahayn ee ka jira Qaza halkaas oo boqolaal iyo kumanaan dad jilicsan, caruur iyo haween ay gaajo u dhimanayaan isla markaana ay halis ugu jiraan dabargo’id,” ayuu yiri Jaamac.
Waxa uu xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ee dadka adduunka oo dhan ee la dhibaataysan gaajada.
Shirweynaha, oo soo idlaaday Talaadadii, ayaa ujeedadiisu ahayd qiimeeynta horumarka laga gaaray hindisayaashii la bilaabay Shirweynihii Nidaamyada Cuntada ee 2021-kii isla markaana la xoojiyo ballanqaadka caalamiga ah ee ku aaddan beddelidda nidaamyada cuntada si loo gaaro horumar waara.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, oo fariin muuqaal ah u diray furitaanka shirweynaha Isniintii, ayaa muujiyay walaacyo la mid ah, isagoo ka digay in gaajada loo adeegsado hub lagu gumaado dadka.
“Waa inaan marnaba aqbalin in gaajada loo isticmaalo hub ahaan,” ayuu Guterres ku adkeeyay, isagoo tusaale u soo qaatay goobaha colaadaha sida Qaza iyo Suudaan halkaas oo rabshaduhu ay dadka u riixayaan heerar sii qoto dheer oo macaluul ah.
Xaaladda Qaza weli waa mid halis ah, maamullada maxalliga ah ayaa soo sheegay in gaajada ay hadda saameysay dhammaan dadka deegaanka, oo ay ku jiraan 1.1 milyan oo carruur ah.
Wasaaradda Caafimaadka Qaza waxay sheegtay in ugu yaraan 147 qof, oo ay ku jiraan 88 carruur ah, ay u dhinteen gaajo tan iyo bishii Oktoobar, iyadoo in ka badan 40,000 oo dhallaanka ka yar hal sano ay halis ugu jiraan xannibaadaha cuntooyinka dhallaanka.
Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Nidaamyada Cuntada waxaa ka qayb galay madaxda caalamka oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Kenya William Ruto, kuwaas oo dhammaantood ka qayb qaatay doodaha muhiimka ah ee ku saabsan amniga cuntada adduunka.